AU oo wadeysa hawlgalada dalka 15 Aug 15, 2012 - 6:57:21 AM
Gudoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Somalia Ambassador Boubacar Diarra ayaa maanta 15 August,2012 sheegey inay sii wadayaan hawlgalada ka dhanka ah Dagaalyahanada Al-shabaab inkastoo ay jiraan khasaare Midowga ka soo gaarey burbur saddex Helicopter oo Uganda ka yimid.
Saddexda diyaaradood ayaa qayb ka ahaa afar xabo oo Somalia loo direy si ay gacan u siiyaan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan gudaha Somalia,waxana ay ku baxeen xili hawadu ay xuntahay buuraleyda Kenya oo keentey in labo ku dhimayo halka 14 ka badbaadey burburka Helicopterka la heley iyadoona lagu baadi joogo 5 kale.
‘’Waxaan tacsi u direynaa dhamaan eheladii dadka geeriyoodey ,shacabka ,xukuumada iyo ciidamada amaanka Uganda ,waxana u baryeynaa sidii kuwa maqan loo soo heli lahaa iyaga oo bad qaba’’ ayuu yiri Diarra.
Ambassador Boubacar Diarra ayaa balan qaadey in Midowga Afrika ka soo baxayo balanqaadkiisi hagaajinta amniga Somalia waxana uu ku booriyey Qaramada Midoobey iyo beesha caalamkaba inay ku dheereeyaan tababarka iyo helitaanka Diyaarado Helicopter ah si loo fuliyo hawlagalka.