Sarkaal Jabuutiyaan ah ayaa loo magacaabay inuu noqdo Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Koonfurta Somalia, iyadoo Afhayeenkan cusub uu la wareegtay xilkiisa.
Afhayeenkii hore ee AMISOM Col. Paddy Ankunda oo kasoo jeeday Dalka Uganda oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan Somalia ayaa soo dhaweeyay afhayeenka loo magacaabay AMISOM.
"Waan ku faraxsanahay in Afhayeen cusub oo afka Somaliga ku hadla ay AMISOM yeelato, waxaana iga go'an inaan la shaqeeyo afhayeenka cusub," ayuu yiri Col. Ankunda oo ka hadlayay xaflad uu ku wareejinayay xilka oo ka dhacay Xalane.
Afhayeenka cusub ee AMISOM, Col. Cali Axmed Xaamud oo isaguna hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka loo magacaabay isla markaana uu kasoo bixi doono howsha culus ee dhabarka laga saaray.
"Howsha la ii igmaday waa mid culus, waxaanse rajeynayaa inaan kazoo bixi doono oo aan shacabka Soomaaliyeed la socodsiin doono hadba halka ay howgaladu marayaan maadaama aan Afka Soomaaliga ku hadlo" ayuu yiri Col. Cali Xaamud.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia oo tiradoodu tahay 17,000 oo askari ayaa ka socda dalalka Kenya, Jabuuti, Uganda, Burundi iyo Sierra Leone iyadoo tani ay noqonayso markii afaraad oo ciidamadan loo magacaabo afhayeen tan iyo markii ay howlgaladoodu bilowdeen sanadkii 2007.
Afhayeenka cusub ee ciidamada Midowga Afrika ayaa ka mid ahaa ciidamada dalka Jabuuti muddo labaatan sano ah, iyadoo Jabuuti ay noqonayso markii ugu horeysay oo ay qayb-qaadato howl nabad loogu raadinayo dal ku yaala Afrika.