Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Sep 3, 2008 - 10:44:01 AM
Wararka
Abu Mansuur oo u hanjabey xildhibaano


Afhayeenka Ururka hubeysan ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Robow [Abu-Mansur] ayaa daboolka ka qaaday in ururkiisa uu weerari doono Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo fariisin u ah Baarlamaanka DF.

Abu-Mansur, wuxuu sheegay inay heleen qorshayaal ay ku doonayaan xildhibaannada ugu jira Baarlamaanka Somalia Digil iyo Mirifle weerar ay ku qaadaan goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Bay iyo Bakool.

"Qorshahaan waa mid fashilmay, waxaana u digaynaa xildhibaannadan wada fikirkaan, haddii ay joojin waayaanna waxay la kulmi doonaan ciqaab adag, marka aan gacanta ku dhigno" ayuu yiri Sheekh Abu-Mansur.

Wuxuu intaas ku daray afhayenku, in qorshayasha lagu dagaalamayo Islaamka ay horay u qaateen xubno ay mid yihiin Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Max'ed Qanyar Afrax iyo kuwo kale ayna ku fashilmeen.

"Xildhibanada Digil iyo Mirifle waxay doonayan waa inay Islaamka weeraran, ayna deegaano nabad ah ka dhigaan kuwo coladeed, shacabka Gobolladas waan uga digaynaa, sidoo kalena waxaan u sheegaynaa in qorshayaashaas ay ka haraan maadaama aysan ku guulaysanayn" ayuu mar kale saxaafadda Baydhabo u sheegay Sheekh Abu-Masor.

Dhawanahan ayaa waxaa jiray qorshayaal ay wadeen xildhibanno ka tirsan Barlamanka Somalia, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakol, kuwaasoo damacsan inay weerar ku qaadaan goobaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay Gobolladaas.

Mar la weydiiyay Abu-Mansur, inuu tagersan yahay dadaallo lagu nabadeynayo goboolladaas oo ay wadaan odayaasha Digil iyo Mirifl ayuu sheegay inuu taageerayo wax walba oo wanaag ah, balse haddii ay dhan u janjeersadaan uu qaadacayo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan; kuwaasoo la sheegay in lagu sugayo amaanka gobollada Bay iyo Bakool; dadka Gobolkaasna waxay ka dhursugayaan waxa maalmaha soo socda dhaca.
 
Garowe Online, Baydhabo
RELATED:
Calula: "Tabar darro ayaa jirta"
Garowe: Maxbuus la gudbiye
Xildhibaano ka doodey heshiiskii Addis

Advertisement
 

Ransom demand for Australian in Somalia

EDITORS PICK:

7 Somali soldiers, Ethiopian officer defect to insurgency
MOGADISHU, Somalia Sep 7 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us