Xabsi ku yaala Magaalada Jigjiga ee Gobolka Somalidu dagto ee dalka Ethiopia ayaa laga sii daayay laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka DF iyo sarkaal la xirnaa, sida uu xaqiijiyay xildhibaan ku sugan Muqdisho.
Mudanayaashan iy sarkaalka Booliiska ah ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada laga sii daayay [Jan 30] iyadoo lagu eedeeyay inay sharci-daro ku galeen Ethiopia, waxayna xabsi ku jireen 45-maalmood oo xiriir ah.
"Waxaan xalay [Mar 15] laga sii daayay xabsi ku yaala Magaalada Jigjiga xildhibaan Xuseen Gaagaal, C/llaahi Max'ed Aadan [Farey] iyo Col. Axmed Inji Ugaas, waxay ku sugan yihiin Magaalada iyagoo xog ah" ayuu yiri Xil. C/raxmaan Kulmiye.
Xildhibaanadan ayaa sii dayntooda waxaa gacan weyn ka geystay Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, sida uu sheegay xildhibaan C/raxmaan Kulmiye.
Xukuumada Ethiopia ayaa horay u sheegtay inay mudanayaashan maxkamad soo taagi doonto, balse waxay dib uga laabatay markii ay fariin ka heshay Madaxweyne Sh. Shariif sida ay shegeen xubno sarsare oo DF ka tirsan.
"Waan isla hadalnay labada xildhibaan waxayna ii sheegeen inay caafimaad ahaan aad u wanaagsan yihiin, dhawaan ayayna Muqdisho kusoo laaban doonaan" ayuu yiri Xil. Kulmiye oo intaas ku daray in xariga mudanayaashan uu sharci-daro ahaa.
Xildhibaanada iyo sarkaalka la socda ayaa waxaa la sheegay inay howlo shaqo ku joogeen dalka Ethiopia, iyagoo ka mid ahaa saraakiishii ay DF u magacowday inay kula dagaalamaan Gobolka Hiiraan Al-shabaab iyo Xisbul Islam.
GAROWE ONLINE