Madaxweyne kuxigeenka dawlad Goboleedka Puntland Xasan Daahir Maxamuud {Af-Qurac}oo maanta 17/11/08 shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyadda PL ayaa ka hadlay qoraal shalay ay si wada jir ah u soo sareen Musharaxiinta xilka Madaxtinimada PL kuwooda ku sugan Garoowe, wuxuuna Af-Qurac uu sheegay in aysan dib ugu laaban doonin magacaabistii guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka PL oo dhawaan Madaxweynaha uu wareegto ku magacaabay.
Af-Qurac ayaa magacaabista guddigan khilaafka dhaliyay ku sheegay in uu yahay mid sharci ah, dowladduna aysan ka noqon doonin, isagoo intaa raaciyay in magacaabista guddigan ay xaq u leeyihiin hadey ahaan lahaayeen Dowladd, sidaasina uu qabo Dastuurka PL, wuxuuna Af-Qurac uu Saxafadda u qeybiyay qoraalo muujinaya Lifaaqa 2-aad ee Dastuurka DGPL, mudada KMG ah iyo Documentiyo kale.
Madaxweyne kuxigeenka oo qoraalkii uu soo saaray ugu yeelay Lambar wareegtadii hore ee magacaabista guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafka golaha Wakiiladda, taasoo aan horay wax sumad ah laheyn, waxaa uu ku sheegay in guddiga uu magacaabay Madaxweynaha PL uu yahay mid ansax ah.
"Guddigani ma ahan guddigii dooranayey Madaxweynayaasha, waa guddi uun khilaafadka ama ansixinta iney eegaan sharciga uu Xildhibaanku ku soo galayo, sidaasina ku ansixinaya" ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka oo Saxaafadda kula hadlayey xarunta Madaxtooyadda ee magaalada Garoowe.
Magacaabista Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ayaa Musharaxiinta iyo Xukuumadda xiligeeda dhamaadka ah ay ka dhex dhalisay muran xoogan, waxaana magacaabistani ay mideysay musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxtinimada Puntland.
Radio Garowe, Garowe