From Garoweonline.com
Afrika oo ku shireysa Addis beri
By
Jan 27, 2012 - 7:38:12 AM
Magaalada Addis Ababa ayaa maalinka beri 28,Jan ,2012 waxa ka furmaya shirka sanadlaha ah ee ay isugu imanayaan madaxda dalalka qaarada Afrika .
Kulankan ayaa sidoo kale waxa ka soo qaybgalaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon,waxana lagu falanqayndoonaa sidii loo xoojin lahaa ganacsiga u dhaxeeya dalalka Afrika.
Xaalada Somalia ayaa iyaduna dhankeeda saaran miiska wadahadalka,waxana Midowga Afrika ka jooga Muqdisho ku dhowaan 10-kun oo askari,kuwaasi oo difaaca DF Somalia si aysan u gala wareegin talada kooxda Al-shabaab.
Shirkan ayaa sidoo kale waxa lagu wadaa inta uu soconayo 29-30 Jan la doorto gudoomiyaha cusub ee guddiga Midowga Afrika.
Addis ayaa la filayaa in kulanka sanadkan uu noqdo midkii ugu tiro badnaa dhanka ka soo qaybgalka madaxda qaarada ,waana markii ugu horeysey uu ka maqnaado hogaamiyihii hore ee Libya Col. Mucamar Al Qadafi.
Madaxda Qaarada Afrika ayaa kulankooda waxay dib u eegaayan soo jeedinyo horey la horkeeney gudiyada Midowga Afrika iyo go’aamo la gaarey,waxana ka mid ah kordhinta tirada ciidamada nabad ilaalineed ee ka hawlgala Somalia AMISOM.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com