Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Wararka
Ahlu-suna oo diiday dagaalkii Guriceel

Afhayeenka dariiqada Ahlu-sunna wal-Jamaaca Sheekh C/qaadir Sheekh Abuukar [Soomoow] oo saxaafada Muqdisho maanta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay Guriceel aysan lug ku lahayn.

Sheekh C/qaadir ayaa sheegay in xeerka Ahlu Sunna wal jamaaca uusan ku jirin inay dagaal galaan, isagoo ku tilmaamay dagaalkii dhawaan ka dhacay Guriceel mid u dhexeeyay dad ehel ah.

"Hadaan Ahlu-sunna nahay dagaal aan horay u galnay ma jiro, hadana dagaal kuma jirno, in Ahlu suna la dilo ma rabno, in urur kale ruux ka tirsan la dilana ma rabno, dagaalkii Guriceel wuxuu ahaa mid u dhexeeya dad qaraabo ah" ayuu yiri Sh. C/qaadir Soomoow.

Sheekhu wuxuu sheegay in dagaalkii ka dhacay Guriceel la doonayo in iyaga lagu tiimbareeyo, balse uu cadeynayo in Ahlu Suna ay hogaan leedahay, isla markaana uusan dagaal jadwalka ugu jirin.

"Dagaalkii ka dhacay Guriceel, wuxuu u dhexeeyay rag walaalo ah, fikradii ay rabaan ha kala aamisanaadaane, dagaalkaasna waxaan u aragnaa inuu yahay mid shisheeye uu dabada ka riixayo" ayuu yiri Sheekh C/qaadir.

Mar uu ka hadlay hadafka dariiqada Ahlu suna ayuu sheegay inay tahay mid nabadeed, ayna ku baaqayaan in la joojiyo dhamaan dagaalada ka socda dalka daafihiisa sida gobolada Galguduud iyo Jubada Hoose.

Wuxuu sheegay inaysan jirin cid ay dagaal u qabaan, isagoo ku booriyay kooxo uu sheegay inay ku been abuuranayaan dariiqada Ahlu Suna inay joojiyaan arimaha ay wadaan.

Sheekh Soomoow oo ka hadlay khilaafka ka dhexjira Islaamiyiinta iyo DF ayaa sheegay in loo baahan yahay in khilaafyada oo dhan la xaliyo, iyaguna ay taageersan yihiin heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha Somalia ayay ka codsadeen inay khilaafkooda si dhaqso badan ku dhameeyaan, si looga gudbo dhibaatada ka jirta dalka Somalia.

Dowlada Jabuuti ayay ku amaaneen dadaalada ay ku doonayso in Somalia ay kusoo laabanto nabadii luntay, isla markaana waxay beesha caalamka ka codsadeen inay u istaagaan sidii Somalia dowlad midnimo Qaran loogu sameyn lahaa.
 
Garowe Online, Muqdisho

RELATED:
Gaas oo sheegay maqnaasha Sool inay dhaawac tahay
Xildhibaan kale oo lagu dilay Muqdisho
Magalada Garowe oo laga xusay dhalashada Puntland


Advertisement
 

Somalia: Puntland President not adamant about domestic, external threats [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland celebrates 16 years of statehood

GAROWE, Somalia August 1, 2014 (Garowe Online)

Somalia: Another Federal MP shot dead in Mogadishu after Friday prayers

Somalia: Puntland withdraws support for Federal Govt

Somalia: Puntland expresses concern over central state

Somalia: Puntland soldiers surrender to Somaliland amid mutiny

Somalia: Federal Govt endorses central state after tripartite deal

Somalia: Radio Garowe hosts educational contest for neighborhoods

Hani Garabyare's Journey From Somalia to the Senate

Somalia: Puntland Govt committed to’ implementing democracy’-says President

Somalia minimizes overseas embassies due to shortfall in budget

Somalia: Massive security operation launched in Mogadishu following killings

Somalia: Six killed in renewed fighting over regional influence

Somalia: President Hassan, PM host Iftar Dinner for Puntland delegation

Somalia: State Funeral held for popular musician, MP Saado

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us