Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Ahlu sunah oo DFKMG ah laga siinayo 5 Wasiir


Heshiis dhowaan magaalada Addis Ababa ku sixiixdeen ururka Ahlu Sunah Wal Jamaca garabkiisa Galgaduud  iyo DFKMG ah ayaa wararka soo baxaya xusayan in qoraalka la sixiixey lagu xusey in xukuumada Somalia laga siinayo Shan Wasiir oo aan la carabaabin xilal ay qabanayaan.

Wararkaan ayaa sidoo kale sheegaya in ururka Ahlu Sunah laga siinayo xukuumada Cumar Cabdi Rashiid 5 wasiir ku-xigeen, 5 Agaasime, 3 taliye ciidan ku-xigeen iyo 3 madax safaradeed.

Lama oga waqtiga la magacaabi dooni xubnahaan lagu heshiiyey iyo xubnaha ka tirsan Xukumada Cabdirashiid oo xilalkooda u baneyn doona Wasiirada cusub madaama la sheegey in is-afgardkaan ku saleysan yahay hanaan beeleedka  loo yaqaan 4.5.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in khilaaf la xiriira saxiixa heshiiskaan uu soo kala dhexgaley ururka Ahlu Sunah Wal-jamaca dhexdiisa kaasoo dagaalada ka socda gobolada dhexe kula jira ururada Al-Shabaab & xisbul islaam.

Heshiiska dhowaan lagu sixiixey wadanka Ethiopia ayaa waxaa dabada ka riixayey ururka midowga Africa iyo urur goboleedka IGAD.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us