Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Ajaanibtii la soo furtey oo Garowe tagay

GAROWE ONLINE

Waxaa maanta 25 December,2 012 galinkii danbe magalada Garowe xarunta Dowlada Puntland la soo gaarsiiyay 22-kii ajaanibta ahaa oo laga soo bad baadiyay gacanta burcad badeedka,waxana hogaaminayay Taliyaha ciidanka bada Puntland,taliye ku xigeenka ciidanka biliiska Puntland,La-taliyaha madaxwaynaha dhanka saxaafada iyo saraakiil kale.

Saxaafada ayaa loo soo bandhigay dadkaani ajaanibta ah oo u kala dhashay wadamo dhowr ah,waxaana wajiyadooda iyo guud ahaan jirkooda ka muuqday qaarkood dhaawacyo ay u gaysteen burcadii gacanta ku haysay.

Munaasibad ay xukumada Puntland ku soo bandhigaysay Ajaanibta lasoo bad baadiyay ,ayaa lagu qabtay hotalka Rugsan,waxaana kasoo qayb galay wasiirka maaliyada,ku xigeenkiisa,duqa degmada Garoowa,Ururka haweenka Nugaal iyo masuuliyiin kale.

Bilowga Kulanka waxaa ka hadlay Taliyaha ciidanka bada Puntland Admiraan-Cabdirisaaq Diiriye Faarax,wuxuna sheegay inay farxad wayn u tahay dowlada iyo shacabka Puntland soo furashada lahaystayaashii ay mudo 3-sano ku dhow ay haysteen burcad badedka.

Taliye Cabdirisaaq waxa uu sheegay xukumada Puntland inay ka Go'an tahay sidii loosoo afjari lahaa kooxaha argagaxisda oo ay kow iyo labo ka yihiin burcad badeedka iyo shabab.

Gen-Muxyadiin Axmad Muuse ayaa sheegay howlgalka ay ciidanka dowlada Puntland oo isku dhafani kula dagaalamayeen burcad badeedka inuu uga dhintay hal Askari oo la yiraahdo Cabdirisaaq Cawil Guray afarkale ay ku dhaawacmeen.

Wuxuna sheegay lahaystayaashaani 3-sano ku dhawaad inay ku jireen gacanta burcad badeedka ,hadana ay nabad qabaan xaaladooda caafimaadka uu yahay mid taab ah.

Agaasimaha La-dagalanka burcad badeedka Puntland Cabdirisaaq Maxamad Axmad (Ducaysane) ayaa goobta ka sheegay inay tahay guul lama ilaawaan ah soo furashada dadkaani wajiyadoodu ay ka muuqato dhibaatooyin sanado ah,wuxuna sheegay inay awal ahaayeen 24-qof balse labo ka mid ai ay ku  dhinteen markabka dushiisa.

Mr.Ducaysane ayaa sheegay labo markab oo kaliya in lagu haysto xeebaha Puntland,taasna ay cadayn u tahay dadaal dheer oo ay shacabka iyo dowladooda oo isku duubani u galeen la -dagalanka burcad badeedka.

Kabtanka Marakabka ay burcad badeedku afduubteen oo la yiraahdo Cali Saalax dhalasho ahaana kasoo jeeda Dalka aanu dariska nahay ee Yemen,ayaa goobta kasoo jeediyay khudbad naxdin xanbaarsan oo ka sheekaynaysa nolashada ay ku sugnaaneeyn mudadii ay gacanta burcad badeedku ku jireen.

Dhinaca kale mid ka mid ah lahaystayaashii bad baadada helay,ayaa tilmaamay Dowlada Puntland inay u hurtay dhiigaado iyo maalkooda ayna mar kasta maskaxda ku hayn doonan soo bad baadinta iyo soo dhawayntii ay Garowe kala kulmaan.

Waa howl galkii ugu horeeyay oo noociisa ah lagu soo bad baadiyo 22-ajaanib ah kuna jiray mudo sadex sano gacanta burcad badeedka,waxana maalmahaan soo socda dadkaani loo galbin doonaa dalalkii ay kasoo kala jeedeen.




















Halkan ka dhageyso Dhamaan Codadkii laga jeediyey madasha Galabta


RELATED:
Wafdi IGAD ka socda oo tagay magaalada Kismayo
Waa sidee xaalada magaalada Kismaayo? ''Dhageyso''
Xasan Daahir oo Godane eedeeyey


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president
KISMAYO, Somalia May 17, 2013 (Garowe Online)

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

PM Shirdon launches New Deal for Somalia at Mogadishu event

Somaliland minister rejects control of airspace by Somalia govt

Somalia: Council of Ministers pass Puntland Constitutional Court Law

Somalia: Flight to Kismayo ‘forced to return to Mogadishu’

Somalia: ‘Somaliland troops kill 1 civilian’ in Burao riots: witnesses

Rapes on rise in Somaliland, say medical officials

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us