Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Al-Shabaab oo weerartey Kenya


GAROWE ONLINE

Ugu yaraan sarkaal ka tirsan ciidamada Ilaalada xadka ee dalka Kenya ayaa dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay weerar ay maqribnimadii xalay koox ka tirsan Al-shaabab ku qaadeen gaari ay wateen saraakiishan oo marayay meel ku dhow xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

Iskahorimaad mudo kooban socday ayaa dhexmaray Maleeshiyada Al-shabaab iyo ciidamada Ilaalada xuduuda dalka Kenya, waxaana dad ku sugan degmada Dhoobley oo isqariyay ay sheegeen in degmadooda la keenay laba ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dagaalka.

Wilson Murungi oo ah gudoomiyaha Degmada Lardhera oo ku dhow xadka Somalia ay la wadaagto Kenya ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid ku dhacay si kadis ah, balse uusan ahayn mid lagu soo qaaday dalkiisa.

"Kooxo hubeysan oo taagan dhinaca kale ee xuduuda ayaa rasaas ku furay gaari ka mid ah kuwa ciidanka Ilaalada xadka ee dalka Kenya, waxaana ku dhintay sarkaal, mid kalena wuu ku dhaawacmay" ayuu sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya u sheegay warbaahinta dalkaas.

Dadweyne ku sugan degmada Liboy ee dalka Kenya ayaa sheegay in dagaal socday daqiiqado uu dhexmaray ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab, waxaana labada dhinac ay halkaas geeyeen ciidamo gurmad ah.

"Rasaastu waxay socoday 30-daqiiqo, iyadoo ugu dambeyn joogsatay, dableydii soo gaartay xadka dib ayay ugu laabteen Somalia, dadka oo dhana cabsi ayaa lasoo daristay" ayuu yiri Max'ed Ibraahim oo ka mid ah dadka ku nool Liboy.

Mas'uuliyiin ka tirsan Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay inay dagaal la galyaana dalka Kenya iyagoo sheegay inaysan jirin xuduuda u dhexeysa labada dal, waxayna ciidan ku ururinayaan sida ay dadka deegaanku sheegeen degmada Dhoobley.

Al-shabaab ayaa horay u weerartay laba jeer Magaalada Liboy ee dalka Kenya, iyagoo dilay qaar ka mid ah shacabka, kuwoa kalena kasoo watay, iyadoo weerarkan uu imaanayo xili ay Al-shabaab qaraxyo ka geystay dalka Uganda.
 
RELATED:
Sanaag oo ka guuleystey Cayn
Diyaarad ku dhacdey Muqdisho
UN: ''Macaluushii way dhamaatey''

Advertisement
 

Somalia: World turns blind-eye to Somaliland's savage aggressions [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Hague's action warning in Somalia
MUGADISHU,Somalia 2 ,February  ,2012 (AP)

UN declares Somalia’s famine over, but says millions across East Africa still in crisis

Somalia:UN Special Representative for Somalia condemns murder of radio station director

Somalia: Puntland - Cage of pirates

Somalia:President Sharif asks for arms embargo to be lifted

Somalia: British minister on 'first visit ever' to Puntland State

Somalia: Ethiopian troops enter Gedo region

Somalia:Iranian Minister willing to hold Somalia conference

Somalia: Gunmen kill journalist in Mogadishu, then escape

Somalia: World turns blind-eye to Somaliland's savage aggressions [Editorial]

Kenya arrests controversial Muslim preacher

Somalia: Bossaso port renovation project completes first phase

Somalia:President Sharif vigorously condemns and expresses grief and sorrow over the senseless murder of the prominent journalist Hassan (Fantastic).

Somalia: Grenade attack at UNDP compound in Mogadishu

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us