Al-shabaab oo qiratay iney isaga baxdey Muqdisho 6 Aug 6, 2011 - 7:31:00 AM
Ururka Al-shabaab ayaa ciidamadiisa iyo saraakiisha kala baxay saakay Muqdisho, kadib dhowr bilood oo ay kula dagaalamayeen Ciidamada DF oo gacan ka helaya AMISOM. Waxaana ka bixitaankooda ku dhawaaqay Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Max'ud Raage (Sh. Cali Dhere).
Afhayenka oo ka hadlay Radio Andulus oo ku hadla Afka Al-shabaab ayaa sheegay in sababta ay uga baxeen Muqdisho ay tahay iyagoo bedelay habkii dagaal ee ay kaga horjeedeen ciidamada DF iyo kuwa Midowga Afrika ka socda ee ku sugan Muqdisho.
"Waxaan ciidamadeena ka saarnay Muqdisho oo dhan, inagoo bedelnay habkii uu ku socday dagaalka. Waxaana dhawaan laga maqli doonaa Muqdisho camaliyaad aan fulinay" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Dhanka kale, wuxuu maleeshiyadooda ku sugan gobolada kale ee dalka ku booriyay inay adkeeyaan difaacyadooda oo ay difaacaan diinta Islaamka, iyadoo ka bixidooda ay fajaciso ku noqotay dadka Muqdisho iyo hareeraheeda dagan.
Goobjoogayaal ayaa Garowe Online u sheegay inay arkeen gaadiid fara badan oo ay ku guurayeen saraakiisha iyo ciidamada Al-shabaab, kuwaasoo la sheegay inay ku wajahan yihiin Gobolada Koonfureed ee dalka oo ay awood badan ku leeyihiin.