Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Al-shabaab oo soo bandhigtay Ajaanib

Ururka Al-shabaab ayaa soo bandhigay cajalad Video ah oo muujinaysa shisheeye ka barbar dagaalama, iyadoo dagaalyahanadii kasoo muuqday cajaladan ay ku baaqeen dagaalo cusub [Jihaad].

Kooxdan oo uu Mareykanku ku daray liiska ururada argagaxisada ah ee dunida ayaa cajalada ay soo bandhigeen waxaa kasoo muuqday dagaalyahan Mareykankan ah oo lagu magacaabo Abu-Mansor Al-Amriki, taasoo soconaysay 31-daqiiqo.

"Hadii aad awoodaan inaad ku dhiirigelisaan caruurtiina, qof aad daris tihiin iyo qof aad taqaanaan u soo dira jihaadka, u soo diro halkaan si ay ula dagalaamaan reer galbeedka" ayuu Abu-Mansor Al-Amriki ku yiri cajalada.

Al-Amriki ayay sirdoonka Mareykanka ku qiyaaseen da'diisa 20 - 30-sano, waxaana ay sheegeen in erayada Ingiriiska ah ee uu ku hadlayo ay yihiin kuwa looga hadlo galbeedka Mareykanka.

Dagaalyahan kale oo reer galbeed ah ayaa kasoo muuqday cajalada, kaasoo wajiga xirtay, wuxuuna ku hadlayay afka Ingiriiska, isagoo ugu baaqay dhamaan Jihaadiyiinta calaamka inay ka qaybgalaan dagaalada Somalia.

Filimkan ayaa lagu soo beegay xili FBI-da Mareykanka shaaciyeen in 12-dhalinyaro Somali ah oo ku noolaa Mareykanka ay aadeen Somalia, kuwaasoo ku biiray kooxda mayalka adag ee Al-shabaab.

"Cajaladan muhim ayay noo tahay" ayuu yiri Philip Mudd oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee FBI-da, isagoo intaas ku daray: "Waxaa jira shaqsiyaad badan oo qorsheynaya inay maraan wadadaas qaldan".

Philip Mudd wuxuu sheegay inay xaqiijiyeen in kooxda Al-shabaab ay gacan ka hesho shabakada Al-Qaacida ee uu hogaamiyo Osama Bin Laden, ayna xoojinayaan awoodooda Somalia, isagoo xusay inay jiraan dadaalo ay ka wadaan caalamka.

Video-gan cusub ayaa sidoo kale lagu muujiyay Abu-Mansor Al-Amriki oo hadalka dad Korean ah u rogaya Ingiriis, kuwaasoo ka mid ah kooxaha u dagaalama Al-shabaab, iyadoo cajalada lagu soo gababeeyay gabay lagu caynayo Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush.

Erayada lagu caynayay Bush ayaa waxaa ka mid ahaa: "Riyadii Mareykanku way guuldareysatay... Bush wuxuu u dhacay sidii Stalin... Dhaqaaluhu wuu burburay... doobku wuu ooyayaa... waxaad dhimanaysaa adigoo ooyaya... Inagana waxaa na xafidaya Alle".

Cajaladan ayaa noqonaya tii ugu horeysay oo ay Al-shabaab soo bandhigaan taasoo muujinaysa inay jiraan kooxo cadaan ah oo ka barbar dagaalama kooxdan oo kasoo horay uga go'day Midowgii Maxkamadaha.
 
Radio Garowe + Wakaaladaha

RELATED:
Sunta Beeraha oo PL laga digay
Doorashada Jubaland oo lagu taageeray kulan Bossaso
Saacid oo la kulmay Ergayga AU


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote
MOGADISHU, Somalia May 22, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us