Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Al-shabaab oo xirxirtay suxufiyiin


Ugu yaraan sadex suxufi oo ka howlgala warbaahinta Madaxa banaan ee dalka ka jirta ayay kooxda Al-shabaab ku xirxireen Gobolka Gedo iyo Gobolka Jubada hoose, kuwaasoo lagu eedeeyay inay sii daayeen warar wax u dhimaya Al-shabaab.

Wariyeyaasha la xiray ayaa waxay kala yihiin: Agaasimaha Idaacada Markabley ee degmada Baardheere Axmed Cumar Saalixi, Wariye Maxmed C/kariin oo ka tirsan Idaacada Maandheeq ee Baladxaawo iyo Wariye Max'ed Salaad C/lle oo lagu xiray Kismaayo.

Suxufiyiintan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay baahiyeen warar aanu maamulku raalli ka ahayn, waxaana dib xoriyadoodiisa u helay Agaasimaha Idaacada Markabley, kaasoo sheegay inuusan garanyn sabab loo xiray.

"Ma garan karo sababta dhabta ah ee la ii xiray, balse waxaan la ii sheegay inay la xiriirto war laga sii daayay Idaacada" ayuu yiri Axmed Cumar Saalixi oo la hadlay saxaafada markii maanta 11:00-duhurnimo lasoo daayay.

Wariye Max'ed Salaad C/lle oo ka tirsan Idaacadaha SBC iyo Somaliweyn ayaa loo xiray war ku saabsan xubno ka tirsan Xisbul Islam oo ku shiray Kismaayo, isagoo weli ku jira xabsiga Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa weli xabsiga ku jira Wariye Max'ed C/kariim oo ka tisran Maandeeq kaasoo la sheegay in loo haysto war ku saabsan dadka ka gudba xadka Somalia iyo Kenya oo baaritaano ay ku sameyso Al-shabaab.

Ehelada wariyahan ayaa la sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii loo sii dayn lahaa, waxaana xarigan uu ka mid yahay cadaadis ay kooxda Al-shabaab ku hayso suxufiyiinta madaxa banaan ee ku sugan Koonfurta dalka.

Idaacada Markabley ayaa mas'uuliyiinteedu waxay go'aan ku gaareen inay hawada ka saaraan Idaacada oo dhan, kadib markii loogu hanjabay in la xirayo idaacada haddii ay ka baxdo amarada Al-shabaab.

Ururada Suxufiyiinta Caalamka ayaa cambaareeyay xariga suxufiyiintan lagula kacay iyagoo ku tilmaamay mid la doonayo in lagu aamusiyo saxaafada xorta ah ee ka jirta Somalia.

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us