Al-shabaab rag ka tirsan oo Yemen lagu tababarayo 22 Feb 22, 2012 - 1:48:56 AM
GAROWE ONLINE
Kooxda Al-shabaab oo dhawaan la midowdey argagixisada caalamiga ah ee Al-Qacida ayaa la sheegay in ay 500 oo ka tirsan dagaalyahaneeda gaaraan gobolada waqooyi ee dalka Yemen oo fariisin u ah dalkaasi.
Qunsulka Somalida u qaabilsan Yemen Md. Xuseen Xaaji Axmed oo waraysi balaaran siiyey idaacada Radio Garowe ayaa cadeeyay in bilihii ugu danbeeyay ku soo qul-qulayeen dalka Yemen isla markaasina doonayaan inay ka dhinac dagaalamaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda,iyadoona sida uu sheegey qunsulku wal-wal iyo walaac gelisey arintaasu xaalada kumanaanka qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.
Sidoo kale qunsulka yaa tibaaxey in Al-Qacida Yemen qorshayneyso inay u soo diraan Somalia dagaalayahano daacad u ah kuwaasi oo tababaro u furaya kooxda Al-shabaab islamarkaasina ka bar-bar hawlagali doonaan.
Isaga oo fursada ka faa’ideysanaya Xuseen Xaaji Qunsulka Somalia ee Yemen ayuu amaan iyo hanbalyo u direy dhamaan shacabka iyo maamula Dowladda Puntland oo si guul iyo nabadgelyo ah kusoo dhamaadeen labadii shire e Dastuurka Somalia ku martigeliyeen deegaanadooda.
Halkan ka dhageyso Waraysiga Xuseen Shiine la yeeshey Qunsulka Yemen