Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Nov 3, 2008 - 11:09:50 PM
Wararka
Amensty oo ka hadashay afduubyada


Hay'ada Amnesty International ayaa ka codsatay Madaxda DF inay gacan ka geystaan sii daynta maraakiib ay burcadbadeed Soomaaliyeed ku afduubteen dhawaan xeebaha Somalia.

Amensty oo fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa waxay sheegtay in in maraakiibta lagu haysto Somalia ay saaran yihiin 130-shaqaale ah, waxayna biyaha Somalia ku tilmaantay kuwa ugu khatarta badan caalamka.

Hay'adu waxay sheegtay in tan iyo dhamaadkii [July, 2008] lagu afduubay Somalia 10-markab kuwaasoo ay burcadu kasoo qabsadeen gacanka Cadan oo daris la ah Somalia, waxaana ugu dambeeyay dooni kuwa raaxada ah oo laga leeyahay France iyo Markab laga leeyahay dalka Masar.

Madaxda DF ayay hay'addu ku boorisay inay qaadaan talaabo ay ku xaqiijinayaan sugida amaanka 130-ka shaqaale ah oo la socda Maraakiib iyo weliba sii dayntooda, kuwaasoo lagu haysto xeebaha Puntland.

"DF waa inay awoodeeda ku hirgelisaa in la-haystayaasha la gaasiiyo dawooyin, cuno iyo biyo, isla markaana baaritaano lagu sameeyo caafimaadkooda oo hoos u sii dhacaya" ayay Amnesty ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Afduubayaasha Somalida ah ayaa waxay saldhig ka dhigteen Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, halkaasoo ay ku haystaan maraakiib badan, waxayna codsadeen lacago madaxfurasho ah si ay u sii daayaan Maraakiibtaas.

Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa horay ugu sheegay warbaahinta inaysan waxba ka qaban karin afduubka Maraakiibta, isagoo xusay in Burcadbadeedu ay lacago ku harqiyeen MGPL.

Badaha Somalia ayay hay'addu ku tilmaantay kuwa ugu khatarta badan caalamka, sidoo kale hay'adda badaha caalamka ayaa iyadana sheegtay in 24 weerar ay ka dhaceen xeebaha Somalia intii u dhexeysay bilihii [April - June, 2008].
 
Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
Garowe: Ciyaarihii Gobollada PL oo furmay
R.Resource oo lagu xiriiriyey Burcada
Yusuf oo la kulmay Al-bashiir

Advertisement
  Click here to find the right student loan for you!

Puntland offers up a Range of possibilities

EDITORS PICK:

Islamists threaten attack if Kenya deploys troops
KISMAYO, Somalia Nov 20 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us