|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
A.Mitchell oo booqdey xarumo Garowe
30 Jan 30, 2012 - 6:52:02 AM
|
GAROWE ONLINE
Magaalada Garowe ayaa maanta 30,Jan ,2012 waxa maanta soo garey wafdi ka socda Britain uu horkacayo wasiirka horumarka iyo iskaashiga caalamiga Andre Mitchell,waxana soo dhaweeyn balaaran kala kulmeen wasiiro ka tirsan Puntland sida wasiiru dawlaha qorshaynta iyo iskaashiga caalmiga ah ee Puntland Dr.Cabdiqadir Cabdi Xaashi,wasiirka waxbarashada Puntland Dr.Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo ururada haweenka Puntland.
Ergayga gaarka ee Britain u qaabilsan Somalia matt bough iyo saraakiil kale ayaa qayb ka ahaa wafdiga Britain ,waxana loo galbiyey dhanka aqalka madaxtoyada Puntland oo uu kula kulmey madaxweyne ku xigeenka Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha xukuumada Puntland.
Kadib wadahadal ay qaateen labada dhinac ayay saxaafada gudaha madaxtoyada Garowe ugu qabteen kulan wareed ku saabsan waxayabaaha ay isla soo qaadeen iyo dhinacyada uu kulankoodu abaarayey.
Gen.Cabdisamad Cali Shire madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu sheegay inay si wanaagsan iskula garteen qodabadii ay kawada hadleen oo ay ka mid tahay ladagaalanka burcad badeeda,deeqaha Britain ee Puntland iyo Shirka London Somaalida loogu qabanayo dabayaaqada Feb2012.
‘’Runtii kulanka si fiican ayaanu isku afgaranay,ha ahaato burcad badeeda wixii laga qabanayo ama nabadgalyada guud wax baan isk nnir waxaan kaloo isla soo qaadney shirka London oo aan fileyno inuu noqdo kii lagu soo gabagabeen lahaa dhibaatada Somalia’’ ayuu yiri Gen.Shire.
Andrew Mitchell wasiirka horumarinta Britain ayaa dhankiisa tilmaamey in dhamaan qodobadii uu sheegay madaxweyne ku xigeenku waxana uu raaciyey in Britain Puntland ka saacideyso adeegyada horumarinta adeegyada asaasiga ah ee nolosha oo Waxbarasha iyo Caafimaadku kow ka yihiin .
‘’Waxaan halkan u imid sidaan indhahayga ugu arki lahaa Puntland waxa ka socda.iyo sidii aan Isfahan wanaagsan uga waadan lahayn shirka London ka dhacay 23 Feb,waxaan ka wadahadlaney sidaan ula dagaalami lahayn burcad badeeda,muhiimada ay leedahay fulinta Qorshe Hawleedka(Road Map) iyo weliba barnaamijka Britain ee horumarinta Puntland gaar ahaan dhisitaanka xabsiyada, taageerida waxbarasha iyo caafimaadka’’. Ayuu yiri Andrew Mitchell.
Shir saxaafadeedkan kadib ayaa wafidga Britain waxay socdaal ku tageen suuqa Kaluunka ee Garowe kaasi oo dhaqaalaha lagu dhisey ay bixisey Britain,waxana ay uga sii gudbeen isbitalka guud ee Garowe oo isna warbixino ka dhageysteen maamulka iyo hawlwadeenada isbitalka.
Intaasi kadib ayaa waxa wafdigu u gudbey xarunta booliska oo dhismihiisa ka qaybqaadatey UNDP ,waxana sidoo kale ay tageen xabsiga dhexe ee Garowe oo ka mid ahaa goobaha ugu muhiimsan oo ay doonayeen in ay soo aarkaan.
Ugu danbeyntii ayaa wafdiga Britain waxa uu ku soo gabagabeeyey booqashadiisa Garowe kulan ay kula qaateen xarunta PDRC odayaal dhaqameedyo ay ka wareesteen xaalada guud ee dalka iyo aragtidooda ku saabsan sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa Somalia.
Isla PDRC Garowe ayaa waxa uu Andre Mitchell kulan kula qaatey gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre iyo xubno kala tirsan guddigiisa oo ka waramayay geedi socodka dimoqraadiyada Puntland iyo nidaamka axsaabta oo dhowaan u gudbi doonto.
Waa booqashadii ugu horeysey uu wasiir ka tirsan xukuumada Britain ku yimaado Puntland,waxana dhowaanahan isdabajoog ku imanayay deegaanada Puntland madax iyo saraakiil kala duwan oo Beesha Caalamka ka socota.
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
Halkan ka dhageyso codadka Gen.C/samad Cali Shire iyo Andrew Mitchell
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|