Ardeyda PL ee oo taageerey Xisbiyada 5 Jan 5, 2013 - 7:29:12 AM
GAROWE ONLINE
Iyadoo mudooyinkanba dowlada Puntland ay ku howlanayd meel marinta iyo hir galinta Dimuqraadiyada Puntland iyo sidii loo gaari lahaa nidaamka axsaabta badan oo ka hir gala deegaanada Puntland ayaa dadaalkaasi waxa uu noqday mid ay ka mira dhalisay dowlada Puntland.
Ka dib howlahaas ay ka hana qaadeen Puntland ayaa jaaliyada Puntlad ee dalka Ethiopia waxay isugu yimaadeen kulan mug weyn oo si qota dheer looga shaqeeyey kaasi oo lagu taageerayay barnaamijka Dimuqraadiyada iyo Nidmaaka Axsaabta Badan ee ka hir galay deegaanada Puntland oo dhan.
Munaasabadan ayaa waxaa ay ka dhacday Hotel Curubo oo ka mid ah Hotelada Jaaliyada Puntland ugu caansan ee ay ku leedahay dalka ethiopia , waxaana goob joog ahaa aqoonyahano,odayaal dhaqameed,arday kala duwan iyo haweenka jaaliyada Puntland ee ku nool Ethiopia.
Waxaa kalmado kala duwan qaatay masuuliyiintii iyo qaar ka mid ah marti sharaftii ka soo qayb gashay kulanka waxayna dhamaantood hoosta ka xariiqeen in Nidaamka ka hir galay Puntland uu mudan yahay in taageero xoog leh la siiyo
Ugu Horayan Wakiil Xigeenka Qunsuliyada Dowlada Puntland ee Dalkan ethiopia Max’ed Aadan Faarax “Xiirey” oo sheegey baahida loo qabo haatan Puntland inay u gudubto nidaamka axsaabta badan.
Gudomiyaha Jaaliyada Puntland ee dalka Ethiopia Axmed Cabdi Mattaan “Fara Goote” ayaa isaguna si weyn ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay Nidaamka Axsaabta badan ee ka hir galay Puntland waxaana uu si weyn ugu amaanay Dowlada xiligan Joogta ee uu hogaankeeda hayo Madaxweyne C/raxmaan Faroole.
“Dowlada Puntland Kaalin mug Leh ayay ka ciyaartay Arrimaha Siyaasada Puntland Nadamka Axsaabta ee ay Hir Galinaysayna ,Waxaynu Isla Qirsanahay In La Ilaawi Doono 66-Ay Soo Xuleen Beelaha Puntland, laakiin Hada Shacabka ayaa Codkooda xor u ah waan Muhiim In La taageero” Sidaasi waxaa yidhi Axmed Cabdi Mattaan.
Dhanka odayaasha Reer Puntland ee Ethiopia oo iyaguna munaasabadan goob joog ka ahaa ayaa waxay muhiimada siiyeen in la adkeeyop nabad galyada si loo horu mariyo Nadaamka Dimuqraadiyadeed ee xiligan ka hillaacay Puntland.
Cali Faarax Warfaa “Cali Ciiro” waxaa uu ka mid yahay odayaasha Reer Puntland waxaana uu sidoo kale xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland waxaana uu cod dheer ku sheegay in nabad galyada Puntland ay tahay muqadas lama taabtaan ah isagoo si weyn ula dardaarmay siyaasiyiinta reer Puntland.
“Anagu Hadaanu Nahay Odayaal Puntland Waxaanu si weyn ula dar daarmaynaa siyaasiyiinta reer Puntland ,waxaanuna u sheegaynaa in aysan suurta gal noqon doonin Puntland In ay Fowdo isu bedesho, laakiin nabad galyadu ay muhiim tahay markastaba, nadaamka Axsaabta Badana Waa Horu Mar lagu Tallaabsaday oo taageeradiisa u Baahan”ayaa waxa yiri Cali Faarax.
Xildhibaan Jaamac Salaad Yuusf “Barafuun” oo ka mid ahaa xildhibaanada Puntland dowladda Madaxweyne cadde Muuse ayaa goobta ka hadlay waxaana uu tilmaamay in howsha xiligan ka socota Puntland ay tahay howl loo baahnaa.
“Shaqada culus ee ay dowlada Puntland ku howlantahay xiligan waa shaqo muhiim Ah oo dalku u baahnaa.waxaana idiin sheegayaa anigu markaan baarlamaanka ka Mi dahaa waxaa kalfadhi kasta nala waydiin jirey,sababta loogu gudbi la’yahay Nidaamka xisbiyada badan,xitaa madaxawayne cade muuse xafiiskiisa waan hubaa In arintaas beelaha qaarkood kala hadleen oo warqado geeyeen, marka ma garan karo wixi Shalay loo Oomanaa waxaa manta looga qaylinayo oo looga hor imanayo Waxaan talo Ku bixinayaa in qof walba danbaa ugu jirtee hananka loo gudbo”
Sakariye Khaliif Faarax “Fantastic” oo Ku hadlay Codka Saxafiyiinta Puntland ayaa ku amaanay xukuumada iyo shacabka reer Puntland is bedelka ay hiigsanayaan marka laga hadlayo dhinaca siyaasada.