Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Wararka
Askari France ah oo dhaawac u dhintay

Al-shabaab ayaa sheegtay Maanta [Jan 14, 2013 ] in Askari Faransiis ah oo ay ku qabteen howlgalkii Buurlo Mareer isagoo dhaawac qaba uu u dhintay dhaawicii soo gaarya, iyagoo sheegay inay shacabka u soo bandhigi doonaan goor dhow maydadka Askarta Faransiiska ee dagaalkaas ay ku dileen

Afhayeenka Milateriga ee Al-shabaab Sh. C/casiis Abu-Muscab ayaa sheegay in Askariga uu dhintay maanta, isagoo dhanka kalena sheegay in Denis Allex oo ahaa Sarkaalka la doonayay in lasoo furto uu nool yahay uuna caafimaad qabo.

“Waxaa Dhaawacyadii soo gaaray u dhintay Askari Faransiis ah oo aan ku qabanay Howlgalkii ka dhacay Deegaanka Buulo-Mareer, dhawaan ayaana shacabka u soo bandhig doonaa Maydadka Laba askari oo dagaalkaas lagu dilay” ayuu yiri Sh. Abu-Muscab.

Sidoo kale Abu-Muscab wuxuu sheegay in sarkaalkii Faransiiska ahaa ee ay horay gacanta ugu hayeena ay go’aan ka qaadan doonaan xili dhowr oo uusan sheegin xiliga ay noqon karto.

Dowlada Faransiiska ayaa horay u shaacisay in Denis Allex uu dhintay ayna la yaaban yihiin hadalka Al-shabaab ee ah inay hayaan isagoo nool, waxaana Madaxweynaha Faransiiska uu ku tilmaamay hadalkaas mid lagu qoslo.

“Allex waxaa toogasho ku dilay kooxihii gacanta ku hayay markii uu Howlgalku bilowday habeenkii Sabtida, mana jirto wax cadeynaya inuu nool yahay” ayuu yiri Franceis Hollande oo saxaafada kula hadlayay Maanta oo Isniin ah Magaalada Paris.

Inkastoo Al-shabaab ay ku adkeysanayso inuu nool yahay Denis Allex sidoo kalena ay Dowlada Faransiisku ku adkeysanayso inuu dhintay ayaanay hadana jirin cid ka madaxbanaan labada dhinac oo xaqiijinaysa xaalka uu ku sugan yahay sarkaalkaas oo sanadkii 2009 afduub ahaan loo qabsaday.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Dagaal khasaaro dhaliyay oo Bakool Ka dhacay maanta
Labo qof oo lagu dilay Muqdisho
Wadooyin laga dhisayo Garowe


Advertisement
 

Vacancy Anouncment Legal Advisor for the Puntland House of Representatives

EDITORS PICK:

Somalia: Federal Govt troops foil attack on police station in central town

BELEDWEYNE, Somalia April 23, 2014 (Garowe Online)

Somalia: Night raid operation targets senior Al Shabaab officials

UN envoy to Somalia condemns MP, journalist murder in Mogadishu

Somalia: Burundi President arrives in Mogadishu on first visit

Somalia: Puntland Police arrest former Federal MP

Somalia: Former warlord refuses to lay down arms

Somalia: Bomb blast in Mogadishu kills Federal MP

Somalia's President stresses need for stability at National Conference on Security

Somalia: Khat plane veers off runway in central town

Somalia: Puntland Defence Forces urged to confront Somaliland, Al Shabaab

Somalia: Military in deadly battle with police in Middle Shabelle

Somalia: Al Shabaab fighters ambush Federal Govt troops in Bay, 6 militants killed

Somalia: Ugandan Guard Unit arrives in Mogadishu for UN personnel, bases protection

Somalia: Somaliland forces withdraw from historic town of Taleh

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us