|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Askarta Kenya oo ku socda Kismaayo
6 Feb 6, 2012 - 6:03:57 AM
|
Afhayeenka Milateriga Kenya Maj. Emannuel Chirchir oo hadlay ayaa sheegay inay ciidamadooda ku sugan Somalia ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo, isagoo xusay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin Deegaanka Buurgaabo.
Maj. Chirchir wuxuu sheegay in go'aankan ay qaateen markii Al-shabaab ay isaga baxday Jasiirada Kudhaa oo 70-km Koonfur kaga beegan Kismaayo, halkaaso uu sheegay inay ahayd saldhig ay ku tababari jireen ciidamadooda.
"Ciidamadeenu waxay ku socdaan Kismaayo halkaasoo ah goobta aan sida gaarka ah isha ugu hayno" ayuu ku yiri Afhayeenka Milateriga Kenya ku sheegay war uu saxaafada siiyay, isagoo xusay in qorshahoodu yahay inay qabsadaan Dekeda Kismaayo.
Dhanka kale wuxuu sheegay in Diyaaradaha dagaalka Kenya ay wiiqeen awoodii ay Al-shabaab ku lahayd Gobolada Koonfurta Somalia, gaar ahaan Juboooyinka oo uu sheegay inay tahay goobihii ay kasoo qaadi jireen weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya.
"Weerarada cirka waxaan ku dilnay boqolaal ka tirsan Al-shabaab sidoo kale waxaan ku burburinay sandhigyo iyo gaadiid dagaal oo ay isticmaali jirtay kooxdan xagjirka ah" ayuu Maj. Emannuel hadalkiisa ku daray.
Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadooda lugta ee ku sugan gudaha Somalia ay bilaabeen inay gudaha ugu siqaan Jubada Hoose iyo Gedo, ayna dagaalka wadayaan inta ay ka qabsanayaan goobaha bartilmaameedka u ah.
Magaalada Kismaayo ayaa ah goobta ugu weyn ee ay Al-shabaab ka hesho dhaqaalaha, iyadoo aanay jirin hadal kasoo baxay kooxdan kaasoo ay kaga jawaabayaan warka kasoo baxay Milateriga Kenya.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|