Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jun 14, 2010 - 8:03:37 PM
Wararka
Rag lagu karbaashay Beledweyne


Maxkamada Islaamiga ee Degmada Beledweyne ayaa maanta xukun tacsiir ah ku xukuntay ilaa 5 qof oo lagu soo qabqabtay xashiish iyo qamaar meel fagaaro ah.
 
Ragan mid ka mid ah oo ilaa 30 garbaash lagu dhuftay ayaa la sheegay in lasoo qabtay isaga oo waxyaabo maandooriyo ah isticmaalayo halka labo kalena lagu dhuftay 20 garbaash waxaan la sheegay in ay qamaar dheelayeen sidoo kale 2 ayaa iyaguna midkiiba lagu dhuftay 15 garbaash waxaana xukunkaasi sida ay sheegtay maxkamada loo cuskaday shareecada islaamka.
 
Goobta xukunkan tacsiirka lagu fuliyayay ayaa ahayd meel fagaaro ah oo ay u soo daawasho tagay dadweyne aad u badan kuwaasoo la dhacsanaa xukunka maxkamada islaamka iyadoo sidoo kalana goobjoog ay ahaayeen maamulka sar sare ee midowga maxkamadaha gobolka Hiiraan.
 
Dadweynaha ku dhaqan gobolka gaar ahaan Magaalada B/weyne ayaa soo dhaweeyay xukumada ay maxkamada islaamiga ah ay ku fulineyso dambiilayaasha kuwaasoo ah mid ku taxluqa shareecada islaamka waxayna intaasi ku dareen in ay bilow u tahay xal u helida dhibaatooyinka daashada dadka soomaaliyeed loona baahanayahy in si buuxda loogu dhaqmo shareecada islaamka.
 
Ma'ahan markii ugu horeysay oo xukun tacsiir ah ay fuliso maxkamada islaamaiga ee Degmada B/weyne iyadoo sidan oo kale todobaadkii hore bilowgiisa ku fulisay wiil dhalinyaro ah oo galmo xaaraan ah kula kacay gabar ka dibna maxkamadu ay xukuntay in 100 garbaash lagu dhufto.
 
Ilyaas Guute, Garowe Online
Beledweyne, Somalia
RELATED:
Muqdisho: Duqeymo dhacay
Uganda: Ciidanka AMISOM oo la kordhiyay
Ergayga UN-ka Augustine Mahiga oo Muqdisho booqday

Advertisement
 

Islam: Ramadan - The Month of Self-Restraint

EDITORS PICK:

In the heart of a Somali pirates' lair
HOBYO, Somalia Sep 2, 2010 (AFP)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us