Socdaalka masuuliyiintaan iskugu jira wasiiro,aqoon yahano iyo
odayaal ayaa waxay salka ku haysaa sidii shacabka Gobalka Sanaag loola
kulmi lahaa ,isla markasna looga war bixin lahaa xaalada Ururka xaakimka
ah ee dowlada iyo sida looga baahan yahay inay u taageereen,waxana
sidoo kale wafdigaasi ay xariga ka jari doonan xafiiska ururka horseed
oo mar sii horaysan qalabkiisii loo dhamaystiray.
Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon oo
Radio Garowe la hadlayay ayaa sheegay wafdiga dowlada ka socda inay soo
gaareen,ayna u sameeyeen caasumad balaaran,wuxuna sidoo kale sheegay
Mr,Ciyoon wafdigaani inay kulamo kala duwan la qaadan doonan shacabka
iyo waxgaradka Gobalka.
Shacabka Gobalkaasi Sanaag ayaa si wayn u taageersan urur
siyaasadeedka Horseed,waxayna ku tilmaameen inuu yahay urur doonaya inuu
wax badan u qabto shacabka iyo baahida ka taagan deegaanada laamiga ka
baxsan.