Barakacayaal loo qaybshey Layrar 13 Jan 13, 2013 - 5:10:21 AM
GAROWE ONLINE
Kaamka Barakacayaasha Jowle ee magaalada Garowe ayaa maanta 13 January,2013 waxa loo qaybshey laanbado ileys kuwaasoo loogu talo galay in looga saaro mugduga ay habeenkii ku jiraan.
Hay'ada IOM ee Soomaaliya ayaa ugu deeqday qoysas gaaraya 600-oo qoys,laanbadaha iftiinka bixinaya,waxaana munaasibadii loogu qaybiyay dadkaani danyarta tooshashkaani casriga ah oo ka dhacday xarunta GRT kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda wasaarada arimaha gudaha iyo IOM.
Beexaani Axmad Bare oo ah Agaasimaha guud ee bakaracayasha Puntland ayaa barakacayasha ugu baaqay inay si fiican uga faa'iidaystaan deeqdaani iftiinka ah,wuxuna kula dardaarmay inaysan iib ahaan u gaynin suuqyada magalada Garoowe.
Barakacayaashii deeqdaani loo qaybiyay ayaa soo dhaweeyay,waxayna ku tilmaamay dhalalkaani la siiyay mid wax wayn ka badali doonto nolashadooda caadiga ahi.
Halkan ka dhageyso Warbixinta Faadumo Maxamed ka diyaarisey