Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Oct 8, 2008 - 8:33:12 AM
Wararka
Barlamanka DF ah oo maanta kulmey


Xildhibanada Barlamanka Somalia ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Baydhabo, kuwas oo sameeyay buuq badan markii kulanka la furay, waxana looga dooday fadhigaas in howlhiisa sii wato golaha iyo in uu fasax galo.

Kulanka maanta oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Barlamanka Somalia Shekh Aadan Max'ed Nur [Shekh Aadan Madobe] ayaa waxaa ka qaybgalay 155-mudane.

Xildhibaan Axmed Cawad Casharo oo ka hadlay kulanka Baarlamaanka ayaa si weyn u eedeeyay mudanayaasha; isagoo ku tilmaamay kuwo aan u shaqeyn qaab qaran balse ay xagal daacinayaan howlaha.

"Waa inaad u shaqeysaan sidii mudanayaal Qaran, la iskana daayo inaad ka dhuumataan fadhiyada Baarlamaanka idinkoo ku sugan Baydhabo" ayuu cod dheer ku yiri Casharo.

Mudanayal badan ayaa dhaliilay hadalka xildhibaankan, waxayna sameeyeen buuq weyn, iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka uu istaagay sheegayna in mudane kasta uu xor u yahay inuu fikirkiisa muujiyo.

Xildhibannada ayaa waxay qaarkood soo jeediyeen in barlamaanka la fasaxo muudo 2-bilood ah, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen inuu howlihiisa sii wato, waxaana doodo badan kaddib la geliyay labada fikradood cod gacan taag ah.

"Waxaa codeyay 155-mudane, 149-mudane waxay u codeyen in Barlamanka uu sii shaqeeyo halka 1-mudane uu diiday, 5-mudane oo kalena way ka aamuseen" ayuu Sheekh Aadan Madoobe u sheegay saxaafadda markii ay codbixintii dhammaatay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa u sheegay xildhibaannada in kulammada baarlamaanka ay bilaaban doonaan Isniinta ayna soo xaadiraan fadhiyada, iyadoo la xusuusto in baarlamaanka ay horyaalaan ku dhawaad 11-ajande oo la doonayo inay ka doodaan.

Amaanka Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay intii uu socday kulanka Baarlamaanka, iyadoo waddooyinka degmadaas lagu arkayay ciidamo Somali iyo Ethiopian isugu jira oo ay feejignaan dheeraad ah ka muuqato.

Fadhigii Barlamaanka ee maanta ayaa waxaa ka muuqday xildhibaan Max'ed Qanyare Afrax, Xildhibaan Max'ed Cabdi Xayir Mareeye iyo kuwo kale oo bilihii ugu dambeeyay ka maqnaa Baydhabo.

Garowe Online, Baydhabo
RELATED:
Meles Zenawi oo canaatey DFKMG ah
8 ku dhimatay Muqdisho
Dagaal ka dhacay Bardaale

Advertisement
  Click here to find the right student loan for you!

Fleeing Somalia, sinking in the sea

EDITORS PICK:

Somalia: Islamists execute militia commander in Kismayo
KISMAYO, Somalia Oct 13 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us