|
|
|
|
| Last Updated: Jul 28, 2010 - 7:51:09 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Barlamanka Puntland oo xilka ka qaadey Xildhibaano
28 Jul 28, 2010 - 6:16:40 AM
|
GAROWE ONLINE
Xilka qaadista Xildhibaadan ayaa timi ka dib markii Xukuumadda Puntland ka gudbisay eedayn la xiriirta jabinta qawaniinta dalka iyo gacan siinta kooxo doonaya kala goynta Puntland sid ku cad qoraal xeer-ilaaliyaha dowladda ka hor akhriyey aqalka Wakiilada.
Xukuumadda Puntland ayaa eedeeyntaan u gudbisay Xeer ilalinta muddo hore iyadoo saaka 28 July goloha Wakiilada codbixin ay qaadeen 26 Xildhibaan u in xasaanada laga qaado halka 21 diidey Afarna ka amuseen.
Sedexda Mudane ee maanta Baarlamaanka Xasaanada kala noqdeen waxay kala ahaayeen:
1. Ibraahin Maxamad Guure
2. Abshir Cabdi’Casiis Shiikh
3. Cumar Jamac Saleebaan
Eedaymaha lagu eedeyey Xildhibaanada xilka laga qaaday ayaa ahaa sidatan;
A) Jabinta Sharciga dalka
B) garab siinta kooxo doonaya kala goynta Puntland.
c) la shaqaynta Jabhada SSC oo ay hanti iyo xoogba ku taagereen.
d) In ay abaabuleen ciidamo iyo kooxo ka soo horjeeda Puntland islamarkaasna qaadeen talaabooyin lagu burburinayo ciidanka Daraawiishta Puntland
Waxaa uu intaasi ku daray Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland in ay eedayntaasi u hayeen cadaymo iyadoo ay jiraan markhaatiyo, cod muuqaal ah iyo sawiroba leh.
Cumar Jamac Saleebaan oo ka mid ahaa mudanayaasha xilka waayey oo saxaafada la hadlay ayuu sheegay in xilka qaadistoodu tahay mid sharci daro ah siduu hadalka u dhigay una arko mid laga soo shaqeeyey balse wuxuu ugu yeeray mas'uuliyiinta dowlada ee xilka haya ay si wanaagsan ee daacadi ugu jirto howlahooda u gutaan.
Dhageyso warbixinta ku saabsan xil ka qaadista Xildhibaanadaan.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|