Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Barlamanka oo wax ka badelay xeer

Mudanyaasha Barlaamanka Puntland ayaa ansixiyey qodobo wax laga badeley Xeerka Diiwaagelinta Ururada iyo Xisbiyada siyaasada Puntland.

Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa u soo gudbiyey horey golaha codsiga wax ka bedelka xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada oo ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen kadib markii goluhu in badan ka doodey qodobadaasi.

Qodobadda 2-aad ,3-aad iyo 8-aad ayay ahaayeen kuwa wax laga badalay xeerka ururada siyaasada ,waxana ay ahaayen qodobadu:

Qodobka 2-aad

Qabashada Codsiyada Diiwaagelinta


2.2 Xarafka T:
Liiska magacyada asaasayaasha urur/xisbi iyo liiska guddiga fulinta ee ku meel gaarka ah.Golaha Dhexe ee urur/xisbi waxa laga doonayaa shirweynaha ugu horeeya ee ururka/xisbiga.

2.2 Xarafka Kh : Urur kasta waa inuu keenaa cadayn bixinta diibaaji dhan $7.500 (Todobadda kun iyo shan boqol oo doollar) oo aan celis lahayn .Lacagta deebaajiga ah waa dakhli dowladeed ,Waxaana lagu shubayaa Bangiga Dhexe ee Puntland.

2.2 Xarafka D: Xisbi kasta waa inuu keeno cadayn bixinta diibaaji dhan $15.00 (Shan iyo Tobban kun oo doollar) oo aan celis lahayn .Lacagta deebaajiga ah waa dakhli dowladeed ,Waxaana lagu shubayaa Bangiga Dhexe ee Puntland.

Qodobka 3-aad

Ururada/Xisbiyada Siyaasadeed ee ku-meelgaarka ah


T: Si urur loo sharciyeeyo waa inuu xarumo ku leeyahay ugu yaraan 5-Gobol oo ka mid ah 8-da Gobol ee Puntland ,waana in ay uga diiwaangashan yihiin 300 (Saddex Boqoll) oo taageere/cod-bixiye, ururka isku bedela xisbi waa inuu xafiisyo ku yeeshaa dhamaan 8-da Gobol ee Puntland.

Qodobka 8-aad

Degmooyinka dalka


1- Dhamaan 37-da degmo ee Puntland doorashooyinka deegaanka waa loo qorsheynayaa inay ka dhacaan meesha ay ka dhici karto , waxaana loo samaynayaa Golayaal deegaan meeshii qaadan karta, mashaariicda horumarinta deegaanada Puntland oo dhan waa u simanyihiin.

2- Inta laga samaynayo Tirokoob dadweyne oo sugan waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka Axsaabtu ugu tartamayaan Gobolk walba tiradii Xildhibaanada ee uu horey u lahaa, waxaana lagu qeexi doonaa Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ee ay soo gudbin doonaan Guddiga Doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland.

Fadhigii lagu ansixyey ayaa waxa fadhiyey 43 mudane oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cadirashiid Maxamed Xirsi.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Wafdiga IGAD oo la kulmey ergadii dooratay A.Madoobe
''Midnimada Somalia waa Muqadas''
AMISOM oo ka hadashay Kismaayo


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting
KISMAYO, Somalia May 18, 2013 (Garowe Online)

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

PM Shirdon launches New Deal for Somalia at Mogadishu event

Somaliland minister rejects control of airspace by Somalia govt

Somalia: Council of Ministers pass Puntland Constitutional Court Law

Somalia: Flight to Kismayo ‘forced to return to Mogadishu’

Somalia: ‘Somaliland troops kill 1 civilian’ in Burao riots: witnesses

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us