Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Beelo isku dagaalay G/Mudug


Dagaal u dhexeeyay beelo isku haysta dhul ayaa mar kale dib uga qarxay maanta deegaanada Bacaadweyn iyo Camaaro oo ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanada ay dagaaladu ka dhacayaan ayaa sheegay in dhinac ka mid ah labada dhinac uu weerarka soo qaaday, iyadoo koox walba ay doonayso inay ku sugnaato deegaankeeda.

Wararka ugu horeeya ee dagaalkaas ka imaanaya ayaa waxay sheegayaan inay ku dhinteen 6-qof ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, iyadoo aanay ku jirin dad rayid ah.

"Dagaalku wuxuu ka socday meel ku dhow deegaanka Bacaadweyn, waxaana la isku adeegsanayaan hubka culus iyo midka fudud, waxba lagama sheegi karo hada" ayuu yiri mid ka mid ah horjoogayaasha kooxaha dagaalku u dhexeeyo oo la xiriiray saxaafada.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaalo ay dad badan ku dhinteen oo horay u ugu dhexmaray labada beelood oo kasoo kala jeeda Dir iyo Habar-gidir ayaa loo waayay wax xal ah, iyadoo beesha Camaara ay ku adkeysatay in dhulkeeda lagu haysto.

"Waxaan ogolaanay dhexdhexaadin walba oo la doonayay in lagu joojiyo dagaalka, balse beesha Saleebaan ee Habar-gidir ayaa diiday dhexdhexaadinta, waxaana ay doonayaan inay dhulkeena xoog ku qabsadaan" ayuu yiri Nabadoon u hadlay Beesha Dir, gaar ahaan Qubeys.

Beelaha dagaalkooda ayaa la sheegay inuu yahay mid xoogan, waxaana ka horeeyay dagaal aan xooganayn oo shalay gabal-dhicii ka dhacay deegaanada ay isku horfadhiyeen.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday Isbitaalo ku kala yaala degmooyinka Gaalkaacyo iyo Xarardheere oo ay labada beelood awoodo ku kala leeyihiin, iyadoo ay jiraan baaq ay xildhibaano ka tirsan dowlada ku dalbadeen in dagaalada lagu joojiyo.
GAROWE ONLINE
RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us