Booqashada xabsiga dhexe 14 Apr 14, 2012 - 7:06:59 AM
GAROWE ONLINE
Wasiirka cadaalada iyo dhaqan-celinta Puntland Dr.Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo ayaa maanta 14,April 2012 kormeer ku tagey xabsiga dhexe ee magaalada Garowe waxana ku weheliyey xubno ka tirsan wasaaradiisa iyadoona ujeedka lag tilmaamey u kuurgelida xaalada nololeed ee maxaabiista ku xiran.
Timir iyo macawiisyo ay guntadaan ayaa wasiirku u qaybiyey maxaabiista ,waxana uu indha-indheeyey qolalka ay seexdaan,isagoon ka wareystey xaaladoda iyo sida loola macaamiltamo.
Maxaabiistu waxay wasiirka mahadceliyen booqashada uu ugu yimid waxana codasadeen in xaalkooda laga war hayo.
Kadib booqashadan ayuu saxaafada la hadlay gudaha xabsiga oo deeq dhar iyo raashin u qaybiyey,waxana uu sheegey in mar weliba diyaar u yihiin in maxaabiista taageero iyo dhiriigelin la garab istaagaan.
Cabdirisaaq Maxamuud Xiris kuxigeenka taliyaha xabsiga dhexe Garowe ayaa isna si faraxadi ku dheehantahay ula waregey deeqdii wasiirku soo gaarsiiyey xabsiga Garowe ,isagoona mahad balaaran u soo jeediyey wasaarada cadaalada iyo arrimaha diinta.
Halkan ka dhageyso warbixin uu C/xamid Salad ka diyaariyey boqashada