Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Boqashadii DGPL ee Sudan


Wasiirka Waxbarashada Dowlada Puntland Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo dalka dib ugu soo laabtey ayaa ka warbixiyey booqashadiisii uu ku tagey dalka Sudan gaar ahaan Maamul Goboleedka Nahru Niil State isaga iyo wafdi oo uu hor kacayey.

Wasiirka oo u waramayey Radio Garowe ayaa u sheegey in ujeedada safarkooda ay la xiriirtey dhowr ahmiyadood oo kala ahaa:
 
1) Xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada Maamul goboleed, Puntland State iyo          Nahru Niil State oo 2006dii kala saxiixdeen heshiis mataaneyn ah iyo sidii Puntland iyo Nahru Niil uu dhex mari lahaa iskaashi dhinacyo badan leh oo ay ugu horreyso waxbarashada.

2) Hirgelinta shahaadooyin aqoonsi caalami ah oo Puntland ay sameysato maadaama ardeyda reer Puntland ee waxbarashada u raadsada Sudan ay dhibaatooyin dhanka shahaadooyinka ah ay kala kulmaan sidii caqabadaasi meesha looga saari lahaa.
 
3) Raadinta fursado waxbarasho oo Wasaaraddu ay ugu tala gashey in ardeyda Puntland ee dhigata Dugsiyada Sare ay helaan deeqo waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah gaar ahaan Waddanka Sudan.

Wasiir Juxa ayaa sheegey in dhamaanba arrimahasi ay kala hadleen mas'uuliyiinta dhinaca waxbarashada Sudan gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Nahru Niil State hor'umar iyo fahamna uu ku soo dhamaadey waxyaabihii ay ka wada hadleen.
 
Md. Juxa ayaa intaasi ku darey ballanqaadyo muhiim ah oo dhinaca waxbarashada ah ay ka heleen dalka Sudan oo ay ka mid tahay in jaamacad kasta oo ku taala Sudan ay ugu deeqdey gargaar waxbarasho balse ma uusan carrabaabin caddadka waxaana uu sheegey in kaalmada waxbarasho ay sharci noqon doonto marka uu saxiixo Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Sudan.
 
Dowldada Sudan ayaa sidoo kale u  balanqaaddey dhismaha Dugsi sare oo lagu dhigo manhajka dowliga ah ee Sudan si ardeyda Puntland ay ugu sahlanaato iney toos u  beeegsadaan Sudan marka ay dhameystaan waxbarashada Aasaasiga ah iyadoo dugsigaasina ay gacanta ku heyn doonto Sudan, waxaana uu noqon sidii dugsigii sare ee Jamaal Cabdinaasir ee barisamaadkii ku yiil Magaalada Muqdisho oo sidaasoo kale ay gacanta ugu hayeen Maclimiin Masaari ah laguna dhigi jirey Manhaj Masri ah.
 
Mudane Juxa ayaa ugu dambeyntii sheegey in Sudan waqti dhow ay Puntland u soo diri doonto Quburro dhinaca waxbarashada oo ay ka codsadeen iney la wax ka diyaariyaan Manhajka Cusub ee waxbarashada Puntland isagoo sheegey in xitaa Sudan ay ka ogolaatey ardeyda Puntland ee dooneysa waxbarashada Aasaasiga gaar ahaan tan dugsiyada sare ay u bannaantahay si shuruud la'aan ah iney ku qaataan gudaha dalka Sudan.
 
Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Waxbarashada Puntland safarkiisa uu ku tagey Sudan ayaa u muuqanaya tallaabooyin hor'umarineed oo dhinaca waxbarashada ah oo ay qaaddey Dowladda Cusub ee PL iyadoo bulshada Reer Puntland ay si weyn u soo dhoweeyeen dardar galinta howlaha waxbarashada.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us