Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Dr.Farole oo ka qaybgalay Olole

GAROWE ONLINE

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 12 December,2012 kaga qaybgalay Hotel Panorama magaalada Bossaso xaflad la isku wacyigelinayey dhibaatada Gudniinka Fircooniga uu hablaha u geysto laguna joojinayo guud ahaan deeganada Puntland.

Ku xigeenka gudoomiyaha Barlmanka ,Warfaafinta ,Salaad Xareed Cali ,wasiirada Haweenka ,Cadaalada ,Caafimaadka ,Amniga ,Arrimaha gudaha ,Beeraha ,saraakiisha UNICEF ,Save The Children ,UNOCHA ,Daladaha Haweenka iyo dhlinyarada gobolka Bari iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgalay munaasabadan balaaran.

Khudbado kala duwan ayaa laga soo jeediyey xaflada oo diirada lagu saarayey dhibataada Gudniinka Fircooniga islamarkaasina looga dhawaaqey Ololaha Saxarla ee joojinta FGM-ka ,waxana isla madasha laga jeediyey suugaan kala duwan oo soo bandhigtey Kooxda Waaberi Puntland.

Wasiirada Haweenka Puntland Xaliimo Xasan Xaaji ayaa hadalo kooban ka jeedisey  xafladan oo ku booridey culimada diinta inay ka qayb qaataan ololahan lagu joojinayo gudniinka gabdhaha,iyadoona mid ka mida caruurta Bossaso madaxweynaha gudoonsiisey Koofiyad iyo warqada ololahan.

Dhankiisa ayuu wasiirka Cadaalada Puntland Dr,Cabdi Khaliif Xasan Xaaji Ajaayo soo jeedshey in shaqo loo abuurey haweenkii ka ganacsan jirey gudniinka Gabdhaha si qayb uga noqoto ololahan lagu joojinayo gudniinka Fircooniga.

Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole  ayaa ku dheeraadey Gudniinka Fircooniga ,taariikhdisa iyo weliba go’aan ay horey xukuumaddu soo saartey oo ah joojintiisa kaasi oo aan lagu dhaqmin.

‘’Sharcigii ugu horeeyey anagaa ka soo saarney gudniinkan Somalia hadaba waa inaad waantoodaan oo walidiintu ka joojiyaan caruurtooda’’ ayuu yiri Dr.Farole.oo raaciyey Ciqaab in la marsiinayo cidii lagu ogaado inay gudo gabdhaha.

Mahad ayuu u jeediyey Dr.Farole dhamaan intii ka soo shaqeysey barnaamijka oo ugu horeyso Wasaarada haweenka iyo cadaalada iyo weliba hayadaha UNICEF iyo Save The Children.

Boorar iyo finaando lagu soo xardhey erayo ka dhan ah gudniinka Fircooniga ayaa ka soo qaybgalayaasha loo qaybshey ,waxana haweenku ahaayeen kuwo maqsuud si gaar ah ugu ahaa imaatinka madaxweynaha iyo sida uu arimahooda uga shaqeynayo.























Halkan ka dhageyso Khudbada uu ka jeedshey Xaflada Madaxweynaha


RELATED:
AMISOM: ''Amniga waan sugaynaa''
Xildhibaano ka laabtay Mooshin
Dibadbax ka dhacay Muqdisho


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman
MOGADISHU, Somalia May 21, 2013 (Garowe Online)

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us