Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Afar sanno ka dib Dr.Farole ''Sawiro''

GAROWE ONLINE

Xarunta Madaxtoyada Bossaso ayaa xalay saqdii dhexe lagu soo gabogabeeyey munaasabad balaaran oo shalay soo bilaabmatey taasi oo lagu xusayey sanadguuradii Afraad ee ka soo wareegtey doorashadii madaxtinimo ee Dr.Farole January,2009.

Madaxweynaha Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ,ku xigeenka gudoonka Barlamanka Salaad Xareed ,wasiirada Dowladda ,taliyaasha ciidanka ,Issimo ,nabadoono ,culimo ,haween ,aqoonyahano ,ururada siyaasada qaar,dhalinyaro,qurba-joog iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qaybgalay xafladan.

Waxay iskugu jirtey Munaasbadu khudbado dhinacyada ay hadalo ka jeedinayeen Dowladda iyo Dadweyneba ,waxana lagu soo bandhigey intii ay socotey Muqaal Document ah oo ka tarjumayey geedi socodka Dimoqraadiyada Puntland halka kooxda Waaberi Puntland ay dhankooda wacdaro ka dhigeen.

Khubadaha ayaa badi looga hadlay xoojin amaanka ,ka wada shaqeynta xasiloonida dalka iyo weliba soo dhoweynta hanaanka siyaasadeed ee cusub oo Puntland u gudubtey ee Xisbiyada badan.

Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Farole ayaa khudbad dheer ka jeediyey madasha taasi oo si kooban uga hadlay waxqabadka xukuumadii uu horkacayey afar sanno ka hor markii ay shaqada la waregeen.

Waxa uu sheegey in duruufo adag iyo xaalad amaan xumo ka jirtey Puntland 2009 markii ay yimadeen xafiiska ,isagoona tilmaamay in maanta uu heerka amaanka aad uga sareeyo wagaas taasina muujineyso dadaalka dowladdu u gashey xoojinta nabadgelyada.

La-dagaalnka Argagixisada iyo Burcad badeeda ayuu soo hadalka qaadey madaxweynahu oo dagaaladii ay la galeen ,dabogalkii iyo fashilkii lagu sameeyey kooxahan iyo ugu badbadintii Markabka MV Iceberg 1 markii ugu horeyey ciidanka badda Puntland kala wareegeen Burcada.

Adeegyada nololsha ayuu xusey Dr.Farole in xukuumadiisu in badan horumarisey oo ugu horeeyo Caafimaadka iyo waxbrashadu ,halka dhisma dekedda uu sheegey inaysan tababar u hayn balse Garoonka Bossaso rajo wanaagsan ka qabaan in dhowaan laami la saaro ka dib taageeo Talyaanigu siiyey.

Jaangoonta sicika sarifka iyo maciishada ayaa ka mid ahayd waxyaabaha xukuumaddani ka hadashey oo afartii sanno ee la soo dhaafay sicir barar uusan jirin islamarkaasina la isku dheelitirayey Doolar iyo shilinka .

Xiriirka Dowladda Somalia ayaa sidoo kale Madaxweynuhu cadeeyey in ka shaqeeyeen in badan oo soo hadal qabsadey shirarkii masiirka dalka looga arinsanayey oo Garowe lagu martiqaadey dhamaan Somalida dhinacyadeed siyaasada ,waxana ay ahayd guul u soo hoyatey reer Puntland.

Farogelinta in DF Somalia ay ka deyso maamul u samaynta Jubooyinka islamarkaasina loo daayo dadka deegaanka inay maamulkooda dhistaan ayuu ugu baaqey madaxda Muqdisho ku sugan.

NIdaamka Axsaabta iyo geedi socodka dimoqraadiyada Puntland ayaa uu madaxweynuhu dulmarey jadwalkii iyo heerarkii uu soomarey tan iyo markii 1998 la dhisey Puntland ,waxana uu sheegey in himilooyinkii lagu dhisey Puntland maanta in badan oo kamida xukuumadiisu meel-marisey sida Dastuurka iyo Xisbiyada.
























RELATED:
Garowe: Doorka haweenka PL ee doorashada oo laga shiray
AMISOM: ''Amniga waan sugaynaa''
Xildhibaano ka laabtay Mooshin


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman
MOGADISHU, Somalia May 21, 2013 (Garowe Online)

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us