Ardey u fariistey Imtixaanka 2012/2013 26 Jan 26, 2013 - 12:52:04 PM
GAROWE ONLINE
Ardayda waxkabarata kuliyadaha iyo qaybaha kala duwan ee jaamacadda Muqdisho xarunteeda Bosaaso. waxa ay maanata u fadhiisteen imtixaankii finalka gabagabda
semesterka 1aad ee sanadka 2012/2013
Agaasimaha xafiiska gudoomiyaha jaamacadda Adam Axmed Xuseen oo la hadlay wariyaasha Bossaso ayaa u hambalyeey ardayda jaamacadda, waalidiinta, macalimiinta, maammulka iyo dhamaan bahwaynta soomaiyeed ee tacliinta taageerta waxa sheegay in Xarunta Puntland ee Jaamacadda Muqdisho intii ay shaqaynaysay laga bilaabo sanad waxbarshadeedkii 2008/2009, waxa ay si joogta ah ugu talaabsanaysay horumar iyo waxqabad.
Qaybaha xarunta Puntland ee jaamacadda Muqisho waxay kala yohiin: shari’a & law, social science, Mathematics & physics, Economics, Business Administration, Accounting, Public Administration, Banking & finance, Computer science &Information technology, iyo Nursing iyo Public Health,
Dhanka kale, Jaamacdda muqdisho waxa ka socda daraasaadka Masterka iyo PhD- da takhasusyada MBA, IT, iyo Educational leadership oo ay iska kaashadaan Jaamacadaha, Asian University, iyo Open University Malaysia.
Sanadkan waxaa ka qalin jabinaya dufcaddii 2aad ee wax ku baratay Campuska Bosaso ahna middii (13aad guud ahaan jaamacadda).Sidoo kale waxaa daraasadda mastarka dhamaystay dufcaddii 2aad ee MBA ahna tii 5aad guud ahaan jaamacadda.
Halkan ka dhageyso Codka Agaasimaha xafiiska Jaamacada Prof.Xerow