Ololaha Ciribtirka Isku furanka Dumarka 29 Dec 29, 2012 - 5:31:54 AM
GAROWE ONLINE
Xarunta Isbitalka Guud ee magaalada Bossaso ayaa maanta 29 December,2012 lagu qabtey xaflad balaaran oo lagu soo gabogabeenayey Ololaha Ciribtirka Isku –Furanka Dumarka oo ka socdey dhowaanahan Isbitalka.
Hayada UNFPA ayaa ka taageereysey Wasaarada Caafimaadka Puntland fulinta mashruucan ,waxana ka soo qaybgalay Madaxweynaha Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ,Wasiirka Caafimaadka Dr.Cali Cabdulaahi ,wasiiro kale ,maamulka gobolka iyo kan Degmada ,Dhakhaatiir ,haweenkii la qalay iyo weliba hawlwadeenada Isbitalka Bossaso.
Ilaa 38 qof oo dumar ayaa laga daweeyey xanuunka ay sheegtey wasaarada caafimaadku inay soo laaban doonaan dhakhaatiirtu mar labaad si ay uga hawlgalaan haweenka aan fursada u helin markii hore ka faa’ideysiga.
Wasiirka Caafimaadku waxa goobta ka akhriyey khudbad dheer uu kaga hadley wasaradiisa iyo waxyaabihii u qabsoomey isagoona sidoo kale xusey in qorshuhu yahay in adeega caafimaadka la garsiiyo dhamaan deegaanada Puntland.
Madaxweynaha Dr.Cabdiraxman Shiirkh Maxamed Farole ayaa soo xirey munaasabadan,waxana bilowgii uu mahad u jeediyey dhakhaatiirtii fulisey qaliimada haweenka ,isagoona sidoo kale amaanay wasaarada caafimaadka Puntland.
Amaanka ayuu ka hadlay Dr,Farole oo haweenka ku booriyey gaar ahaan inay ka qayb qaatan sugidiisa islamarkaana ku soo wargeliyaan ciidamada cida ay ka shakiyaan.
Waxa uu madaxweynuhu sheegey inaysan xukuumadiisu ku darsan wakhtiga balse mudadi lagu doortey ay ku geynayaan iyagoona nidaamka axsaabta badan dalka ka hirgelindoona halka uu ugu baaqey mucaaradka inay axsaab furtaan oo tartamaan.
Tusaale ahaan ayuu u soo qaatey sanadkii loo qabtey Geedi socodka Nabada Somalia oo lagu guuleystey dhamaadkiisa in Somalia ay ka gudubto KMG-nima ,waxana uu raaciyey sanadka 2013 noqon doono kii loogu gudbi lahaa nidaamka xisbiyada Badan iyagoona kaashanaya dadweynaha.
Dhamaadkii ayuu hadiyo kooban madaxweynuhu gudoonsiiyey qaar ka mida haweenka barnaamijkan ka faa’ideystey waxana kadib intaasi uu booqdey qaar ka mida bukaanka Cisbitalka Jiifa isagoona alle uga baryey caafimaad inuu siiyo,
Halkan ka dhageyso Khudbadda Dr.Farole ka jeediyey Isbitalka Bossaso