|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Bossaso: Wadooyin la-laamiyeynayo
2 Feb 2, 2012 - 7:10:00 AM
|
Xarunta dowladda hoose ee Bossaso ayaa maanta oo 02-02-2012 lagu kala saxiixday bilaabitaanka dhamaystirka wadooyin dhowaan la benaayey oo Bossaso ku dhex-yaal.
Shanta wado ee ugu weyn Bossaso ayaa waxaa la saari doonaa Jay iyo daamur waxaana ay noqon doonaan laami dhamaystiran kaasi oo dadweynaha iyo gaadiidkuba ay adeegsan doonaan.
Waxaa kulanka joogay masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horyeeyey duqa degmada Bossaso Xasan Cabdalla Xasan oo isagu heshiiska lagu dhisayo laamiga wadooyinka Bossaso saxiixay,waxaa isaguna madasha soo xaadiray gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxed Gallan.
Dhamaan masuuliyiinta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay wadooyinka laamiga ah ee laga samaynayo magaalada Bossaso,waxayna isla qireen in Bossaso ay tahay halbowlaha dhaqaalaha Puntland.
Docda kale Gaar Yaasiin Axmed waa maamulaha shirkadda qandaraaska laamiga wadooyinka lagu dhisayo qaadatay ee El-Gar ayaa sheegay in aysan ahayn tallaabadii ugu horeysey ee ay shirkaddu qaado waxaana uu raaciyey in ay si wacan uga soo bixi doonaan shaqada loo xil-saaray.
Mudane Gaar waxa uu baaq u diray dhamaan bulshada reer Puntland gaar ahaan Bossaso,isagoona ka codsadey inay la shaqeeyaan maamulka dawladda hoose iyo shirkada dhismaha si ay hawshu u noqoto mid hagaagta.
Xarunta gobolka Bari ahna xarunta dhaqaalaha Puntland Bossaso ayaa waaydan danbey waxa ka socotey hawlho dayactir wadooyin ah oo lagu soo celinayo bilicdii magaalada iyo banayntii goobaha ka agdhaw wadooyinka.
GARWOE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|