Burcad lagu qabtey degmada Eyl 20 Nov 20, 2012 - 5:41:29 AM
GAROWE ONLINE
Ciidamada Badda Puntland ee ku sugan degmada Eyl ayaa gacanta ku dhigay laba
nin oo burcadbadeeda kuwaasoo doon ka soo raacay degmada Bayla kuna
jeeday Garacad ,waxaana lagu qabtay deegaan la yiraahdo Gabac oo 50-KM
dhanka waqooyi ka xigta degmada Eyl.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Eyl ee gobolka Nugaal Faysal Khaliif Wacays ayaa Radio Garowe u
sheegay in labadan nin ay siteen dhamaan agabka lagu yaqaan burcadda
badaha sida Jaran-jaro,hub,ayana wateen dooni nooca Foolkaha loo
yaqaano.
Wacays ayaa intaas raaciyey in nimankani ay ku xiran yihiin saldhiga
ciidamada baddu ay ku leeyihiin degmada Eyl,wuxuuna xusay inay qirteen
inay burcadbadeed.
Ciidamada Badda ee Puntland ayaa si xoogan uga
hawl-gala inta badan Badaha Puntland iyagoo Toddobaadka agagarka
Boosaso ku qabtay Markab laga leeyahay waqooyiga Kuuriya kaasoo sibidh
dhacay ku shubayey Badda.
Halkan ka dhagayso wareysiga C/Qani Irbad oo wareystey G/xigeenka