From Garoweonline.com
Cabdiraxmaan Faroole - Madaxweynaha DG Puntland
By
Jan 8, 2009 - 12:21:36 AM
Dr. Cabdiraxmaan Maxamad “Faroole” ayaa loo doortay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyadoo uu helay 49 cod halka musharixii ugu dhawaa oo ah Gen. Abdullahi Axmad “Ilkajir” oo helay 17 cod.
Tartanka Madaxtinimada Puntland oo ay ka qeybgaleen 9-musharax ayaa waxaa Wareega 2-aad kusoo baxay C/raxmaan Faroole (49 cod) iyo Gen. C/llahi Ilkajir ( 17cod).
RADIO GAROWE
http://www.garoweonline.com