|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Jul 4, 2009 - 4:51:38 PM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Cadde Muse oo xilkii ka qaadey Maxamad Xaaji Aadan
11 Oct 11, 2008 - 6:08:35 AM
|
Madaxweynaha Puntland Cadde Muse ayaa wareegto maanta uu soo saarey xilkii kaga qaadey Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland Maxamad Xaaji Aadan sabab aan la shaacin.
Cadde Muse ayaa xilka-qaadistaan u cuskadey sida lagu xusey wareegtadan Dasturka D/G/PL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad.
Xil ka qaadista Maxamad Xaaji Aadan ayaa ku soo beegantey xili Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland lagu daaweynayo wadanka Jabuti kadib markii dhaawacyo ka soo gaareen rasaas ay la beegsadeen kooxo dabley ah.
Maxamad Xaaji Aadan ayaa tan iyo intii loo magacaabey xilkaan safaro ugu maqnaa degamada ku yaala xeebaha Puntland halkaas oo saldhigyo ku leeyihiin kooxo burcad badedka ah.
Madaxweyne Cadde Muse ayaa sababaha uu xilkaan ugu dhiibey Mr. Aadan ayaa la sheegaya iney ahayd kadib markii degmada Eyl ee gobolka Nugaal saldhig u noqotey inta badan burcad badeedka Marakibta ka afduubta xeebaha Puntland.
Taliye ku-xigeenka xilka laga qaadey ayaa mar-qura kooxo burcad badeed ah kula dagalamey degaanka Eyl kuwasoo sababey hal dhimasho iyo dhaawac.
Madaxa Puntland ayaa dadka dura mamulkiisa sheegayaan in xil-ka qadistaan uu sameeyey aysan waxba ka badaleyn xaalada amni xumo ee ka jirta deganada MGPL.
Maamul goboleedka Puntland ayaa bilaha November iyo January waxaa la filayaa iney ka dhacaan xulashada xubnaha Barlamanka iyo doorashada Madaxweynaha.
Wareegtada Madaxweyne Cadde Muse ayaa u qoreyd sidatan:
Boosaaso,Puntland:Madaxweynaha DGPL ayaa Maanta soo saaray xeer Madaxweyne,xeerkan ayaa Lr:104,kana soo baxay xafiiskiisa Magaalada Boosaaso.
xeerkan ayaa waxa uu u qornaa sidatan:
Xeer Madaxweyne Lr. 104/08 ee 11th October, 08 kuna saabsan Xil-ka-qaadis Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu Arkay: Dastuurka D/G/PL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad
Markuu Tixgeliyey: Talo soo-jeedinta Wasiirka Amniga iyo DDR
Markuu Arkay: Xaaladda Nabadgelyo ee wadanku ku sugan yahay
Wuxuu Xeeriyey
1) Waxaa Xilkii laga qaaday Maxamed Xaaji Aaden oo ahaa Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska.
Xeerkan ayaa waxa ku saxeexna Madaxweynaha DGPL
Maxamuud Muuse Xirsi.
Garowe Online,Garowe
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|