Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Cashuurtii Dekeda Kismayo oo la dhimay


Islamiyiinta gacanta ku haya degmada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose ayaa daboolka ka qaaday inay canshuur dhimis ku sameeyeen canshuuraha Dekeda Kismaayo.

Madaxa Dekeda Sheekh Cali Mahdi oo maanta shir jaraa'id ku qabtay ayaa sheegay in maamulkooda intii uu gacanta ku haya Kismaayo ay dayactir ku sameeyeen Dekeda.

"Dekeda inteeda badan waan dayactirnay, waxna waa noo dhiman yihiin, balse gadiidka dakada ku xiranaya oo dhibaato badan qabay, hada wax dhib ah ma sheeganayaan" ayuu yiri Sheekh Cali Mahdi.

Sheekhu wuxuu sheegay in dekeda ay haatan ku xiran yihiin 13-gaadiid oo isugu jira doomo iyo maraakiibta, kuwaasoo qaarkood qaadaya shixnado; halka kuwo kalena ay shixnado dajinayaan.

"Waxaan la shirnay ganacsatada, waxaana hal mowqinf ka qaadanay canshuuraadka dekeda Kismaayo, badeecada soo dagaysa waxaa lagu canshuurayaa $0.75, mida dhoofaysana $0.6" ayuu yiri Sheekh Cali Mahdi.

Kooxo Islaamiyiinta oo isgarabsanaya ayaa bishii August ee sanadkan si awood ah kula wareegay maamulka Kismaayo oo uu gacanta ku hayay Col. Barre Hiiraale; waxayna u sameeyeen maamul.

Dekeda Kismaayo oo ah isha dhaqaale ee gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa subax walba u shaqo taga kumanaan xoogsato ah, iyadoo qofka ka gudabaya albaabka hore si aad ah loo baaro.
 
Garowe Online, Kismaayo

RELATED:
Nin qirtey taagerida Al-shabaab
''Wan wadayna dagaalka Shabaab''
Muqdisho: Dr.Gaas oo dib ugu noqdey

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somaliland’s parliament votes to attend Somalia conference in London
GAROWE, Somalia Feb 5 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us