Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Ceel-biyood la dhagax dhigey

GAROWE ONLINE

Shirkadda biyaha Nugaal ee ‘’Nugal Water Company’’ NUWACO ayaa shaacisey maanta 01,January ,2013  inay ka qodeyso ceel biyood  ay sheegtay inay faa’idaysandoonaan 1,5120-qoys oo barakacayaal ah oo kuna nool xero ku taala duleedka degmada Burtinle ee gobalka Nugaal,

Hayada World Vision ayaa dhaqaalaha bixineysa ,waxana dhagax dhiga ka soo qaybgalay xubno matalayey hayada ,PASAWEYN ,HADMA ,xubnaha maamulka degmada Burtinle  iyo dadweynaha qaarkood ka faa’ideysanaya ceelkan.

Ceelkan ayaa lagu tilmaamay mid wax ka bedeli doona nolosha dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan halkaasi kadib marka biyaha laga soo saaro.

Gudoomiyaha shirkada biyaha Nugaal ee NUWACO Cabdisamad Islaan Maxamed ayaa sheegay in ay ku guuleysan doonaan sidii ay biyo uga heli lahaanyeen goobta la dhagax dhigay,isagoo tilmaamay inay ka faa’iadaysdoonaan dadka barakacayasha ah iyo kuwa deegaankuba.

Gudoomiyaha degmada Burtinle Nugaal Faarax Maxamuud Jaamac (Salwe) ayaa soo dhaweeyey mashruuca biyo gelinta ah,wuxuuna xusay inay wayn ka tari doonto haddii la helo biyo nadiifa.

Tirada dadka ku dhaqan xerada ku taala dulleedka dhinaca waqooyi ee degmada Burtinle ayaa waxaa lagu sheegay in ay dhan tahay 1,512 qoys kuwaasi oo baahi weyn u qabay in ay biyo hellaan si ay noloshoodu ugu maareeyaan.




RELATED:
Bossaso: Ciidan loo furay tababar
Ololaha Talaalka Dabaysha oo ka furmay Puntland
Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]
GAROWE, Somalia June 17, 2013 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us