Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: May 16, 2008 - 9:30:37 AM
Wararka
Cidamo qaraxyo lala begsadey: Muqdisho


Ugu yaraan Laba askari oo mid uu yahay Ethiopian ayaa ku dhintay qaraxyo kala duwan oo maanta lagula beegsaday wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho, xilli ay howlo u gaar ah wateen.

Qaraxyadaan ayaa waxay sidoo kale sababeen dhaawaca ugu yaraan 9-ruux oo 5-ka mid ah ay yihiin ciidamo Ethiopian ah halka mid kalena uu yahay ciidamada DF saddexda kalena ay ahaayeen dad rayid ah oo ay haleeshay rasaas lagu jawaabay.

Ciidamo Ethiopian ah oo quraac ku waday gaari-gacan ayaa qarax xooggan oo loo adeegsaday miinooyinka meelaha fog-fog laga hago lagula beegsaday agagaarka dhismihii hore ee Telefishinka Somalia [Isgoyska Towfiiq], waxaana qarxaas uu dilay askari Ethiopian ah isagoo dhaawacay afar kale, halka rasaas ay ku jawaabeenna ay ku dhaawacmeen saddex qof oo rayid ah.

Gooboogayaal ayaa waxay sheegeen in qaraxu uu burburiyay gaarigii quraacda lagu waday, iyadoo goobta ay buxiyeen ciidamo ka tirsan kuwa saldhigga ku leh Isbartiibada weyn ee Muqdisho, waxayna qabqabteen dad badan oo ag dhowaa goobta qaraxu ka dhacey.

Dhanka kale, qarax isagana loo adegsaday miino ayaa lagula beegsaday ciidamo Somali iyo Ethiopian isugu jiray oo lugeynayay meel ku dhow wasaraddii gashaandhiga oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia, halkaasoo uu ku dhintay askari Somali, laba askari oo mid uu Ethiopian yahayna ku dhaawacmeen.

Rasas ay kaga jawabeen ciidamadaan qaraxaa lala begsadey ayaan waxyeello gaarsiin dadka rayidka ah, inkastoo kooxihii qaraxaas ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Qaraxyada lagula beegsanayo ciidamada Ethiopia waddada dheer ee warshadaha oo ay fariisimo ku leeyihiin ayaa waxay kuwaan ka dhigayaan muddo saddex toddobaad ah kuwii 9-aad iyadoo ay ku dhinteen tiro ciidamo iyo dad rayid isugu jira.
 
Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
Cabsi dagaal oo ka jirta Sanaag
Barlamanka DF ah oo maanta kulmey
Abu Mansuur oo u hanjabey xildhibaano

Advertisement
 

Somalia: Continuing to fail

EDITORS PICK:

Pirates in total defiance of the UN in Somalia
NAIROBI, Kenya July 5 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us