Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Ciidanka PL oo Dilay rag Al-shabaab ah

Ministry of Security and DDR
Puntland State of Somalia
Garowe

Ciidamada Puntland oo Iska caabiyay Weerar Dilayna 3-nin oo ka Tirsanaa Al Shabaab

WAR SAXAAFADEED
04 January 2013

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay soo qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab/Al Qaeda habeenkii Jan. 3, 2013, iyadoo Ciidamada Puntland ay dileen 3-nin ayna dhaawaceen 5-kale oo ka tirsanaa kooxdii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Weerarkaasi ayaa dhacay abaare 10:30 habeenimo meel magaalada Boosaaso kaga beegan 40km dhanka koonfur-galbeed, iyadoo Ciidamada Puntland oo ilaalo ka haya agagaarka Buuraleyda Galgala ay iska caabiyeen ayna baacsadeen argagaxisadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Hal askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Puntland ayaa ku shahiiday weerarkaasi gardaradda ahaa.

Dhanka kale, maalin-nimadii Jan. 3, 2013, ayaa Ciidamada Puntland waxay qabteen nin ka tirsan kooxda Al Shabaab isagoo dhulka ku aasaya bambo.

Xogta sirdoonka ayaa cadaynaysa in kooxda argagaxisada Al Shabaab taageero dhaqaale ay ka hesho lacagaha madaxfurasho ay qaataan burcad-badeeda, iyadoo burcad-badeeda ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Al Shabaab oo jab militari iyo burbur dhaqaale soo foodsaartay muddoyinkii dambe.

Dowladda Puntland ayaa si wayn u cambaaraynaysa lacagaha madaxfurasho ay qaataan burcad-badeeda waxayna Dowladda Puntland ugu baaqaysaa Beesha Caalamka in si degdeg ah loo joojiyo bixinta lacagaha madaxfurasho oo taageero dhaqaale u ah kooxaha burcad-badeeda iyo argagaxisada Al Shabaab.

Waxaa la rumaysan yahay in weerarada argagaxiso ay kooxda Al Shabaab kusoo qaado Shacabka iyo Dowladda Puntland ay ku lug leeyihiin xaalado siyaasadeed oo Soomaaliya gudaheeda ah.

--- END ---
RELATED:
Khudbadihii laga jeedshay shirka waxbarashada dalka
AMISOM oo Raadaar dawayneysa
Warbixin burcad badeeda Afrika


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo
KISMAYO, Somalia Jun 18 2013 (Garowe Online)

Somalia: Somaliland bars federal gov’t authorized aircraft from landing

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

Ethiopians in Egypt complain of Renaissance Dam backlash

Massive police raid launched in Toronto

Somalia: Gambol Secondary students hold colourful graduation ceremony

Jubaland: Kenya Defence Forces not supporting us

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us