Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM
Wararka
Ciidamada Uganda oo deeq bixiyay


Ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ayaa waxay gargaar u qaybiyeen qoysas ku jira kaamamka Muqdisho ku yaala, waxaana sidoo kale ay baaritaano caafimaad u sameeyeen qaar ka mid ah barakacayaasha Muqdisho.

Gargaarka AMISOM ay bixisay ayaa waxay ku maamuusaysay sanadguuradii 31-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ciidamada Uganda oo ahaa xoogagii daacada u ahaa Yoweri Museveni oo dalkaas qabsaday sanadkii 1986-kii.

Taliyaha ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan Gen. Paul Lokech ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay inay u muujiyaan shacabka Soomaaliyeed sida ay u tix-gelinayaan saxiibtinimadooda.

"Waxaan diyaar u nahay inaan qayb ka qaadano sidii lagu soo celin lahaa amaanka guud ee Somalia, waayo Somalia mudo dheer ayay dagaalo kusoo jirtay" ayuu yiri Gen. Paul Lokech oo la hadlayay barakacayaal ay u qaybiyeen deeqda kala duwan.

Deeqaha ay AMISOM bixisay ayaa waxay isugu jireen 100,000 Liter oo biyo nadiifa ah, iyo 10,000 oo xabo oo Maro-Kaneeco ah, waxaana sidoo kale ay baaritaan u sameeyeen kumanaan barakacayaal ah oo Muqdisho ku sugan.

Gargaarka caafimaad ee ay bixisay Uganda ayaa waxaa ka mid ahaa daweynta caruurta, dadka waaweyn, baarista cudurada Indhaha iyo weliba cudurada ku dhaca qaybaha kale ee jirka.

Howsha caafimaad ayaa waxaa fulinayay dhaqaatiir ka tirsan ciidamada Uganda oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia, waxaana tani ay qayb ka tahay sida ay sheegeen saraakiisha gacanta ay siinayaan Somalida.

"Deeqdan waxay AMISOM ka kaalmeynaysaa inay jadiidiso xiriirka kala dhexeeya Somalida" sidaa waxaa yiri Col. Katwekyeire Kamurari oo ah taliyaha AMISOM ee ciidamada Rayidka ah.

Col. Katwekyeire wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Uganda uu uga mahad-celinayo horumuudka ay u yihiin howlgalka AMISOM, isagoo sheegay inay yihiin ciidamadii ugu horeeya ee Somalia yimaada.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Odeyasha oo laga baajiyey Turkiga
Dagaal culus oo Dayniile ka dhacay
WFP oo xayiraad lagu soo rogay

Advertisement
 

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia leaders meet at African Union headquarters for constitution, elections process
ADDIS ABABA, Ethiopia May 21, 2012 (Garowe Online)

Statement of the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) at Meeting of Somali Principals

Somalia: Amb. Mahiga warns Somali politicians to stop meddling with selection process

Somalia: Ethiopia military to increase onslaught against Al Shabaab

This week in Somalia

Somalia: Amb. Mahiga calls for ‘transparent’ inquiry to Hargeisa land dispute

Somalia: Roadmap signatories will meet to discuss progress

Somalia: SRSG Statement on Hargeisa Incident

Plenty rain in Somalia

Somalia: Multiple explosions in Mogadishu kill 8

Somalia: Ethiopia commander in Somalia says 'not a problem to liberate Kismayo'

Somalia: Kenya police loot businesses in Dadaab after explosion

Somalia: Statement by the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) Presented at Indian Council on World Affairs

Somalia: MSF to restructure health support in Galgaduud due to deteriorating security

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us