Ciidanka oo Baydhabo ka saaray Geesey 21 Feb 21, 2013 - 7:12:55 AM
Ciidamo ka tirsan kuwa DF ayaa waxay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay kawadeen Gudoomiyihii hore ee Gobolka C/fitaax Maxamed Geeseey oo dhawaan lagu bedelay Gudoomiye cusub, taasoo keentay inuu kasoo hor-jeesto.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Diyaarad ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida DF oo tagay Baydabo ay halkaas kasoo wadeen Geeseey, iyagoo ku haya Muqdisho.
Lama oga in Mas’uulkan uu xiran yahay iyo in kale, balse ilahan waxay u sheegeen GO in si khasab ah looga waday degmada, isagoo horay uga soo horjeestay Maamulkii ay DF u magacowday Gobolkaas.
Degmada Baydhabo oo la ciirciiraysay Ciidamo fara badan ayaa la sheegay in haatan tahay mid maran, iyadoo DF ay kasoo qaaday halkaas ciidamo ka tirsan Booliiska oo ka howlgayay kuwaasoo la sheegay in tababar loo furayo.
Sidoo kale Degmada ayaa laga saaray dhamaan ciidamadii Milateriga ahaa oo dhawaan ku qulqulayay, kuwaasoo lug ku lahaa khliaafka maamul ee ka taagnaa Gobolka Bay.
Gudoomiyaha cusub ee DF ay u magacowday Gobolka Bay iyo ku labadiisa ku xigeen ayaa la sheegay inay howsha maamulka Gobolka la wareegeen, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horeysay oo DF ay go’aan ka gaarto muranka ku saabsan Maamulka ee Todobaadyada ka taagnaa Baydhabo.
Waxaa jira warar kale oo sheegaya in C/fitaax Geesey lagu qanciyay in loo dhiibi doono xil kale, taasina ay keentay inuu ogolaaday in xilka laga qaado, iyadoo Maamulkii hore oo horay awood ugu helin inay shaqeeyaan ay tani u noqonayso fursad ay ku shaqeeyaan.