From Garoweonline.com

Wararka
Ciidamo ka soo dagay xeebaha Muqdisho
By
May 16, 2008 - 9:30:57 AM

Ciidamo fara badan oo watay taangiyaal ay ku asteysan yihiin calanka Faransiiska ayaa saakay lagu arkay xeebaha Somalia, kuwasoo isku dhereriyay laga soo bilaabo xeebaha Jasiira ee galbeedka Muqdisho ilaa xeebta Liido oo dhanka bari ee Muqdisho ku taalla.

Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in ciidamadu ay ka sameysteen xeebaha teendhooyin, iyadoo aanay jirin wax howgallo iyo dabrid ah oo ay sameyeen intii ay ku sugnaayeen xeebaha Muqdisho.

"Waxaan arkay diyaarado joog hoos ku socda oo dul heehaabaya xeebaha... cabsi ayaa i gashay... daqiiqado kaddibna waxaa xeebta yimid ciidamo la socday diyaradaha qumaatiga u kaca.... iyadoo ay taangiyo biyaha ku socda badda kasoo baxeen" ayuu yiri mid ka mid ah dadka Muqdisho oo la hadlay saxaafadda.

Sidoo kale wariye ka tirsan Idacad FM ah oo xaruntedu tahay Muqdisho ayaa sheegay in saakay mar uu xeebta Liido tagay arkay askar aad u fara badan, kuwaasoo ka celiyay xeebta.

"Ciidamadu waxay sameysten teendhoyin dadka xeebta ku socdayna way celinayen... qiyaastii 8-taangi ayay waten" ayuu yiri wariyahan oo la hadlayay idaacadda uu ka tirsan yahay oo lagu magacaabo Somaliweyn.

Ciidamada ayaa ku sugnaa xeebaha Muqdisho muddo ku dhow 1-saac iyagoo dib ugu laabtay maraakiibtii ay kasoo kicitimeen oo badda ku sugnaa, mana jiraan wax caddeyn kara sababta keentay inay soo gaaraan xeebaha Muqdisho maanta.

Imaanshaha ciidamadan Faransiiska ah ay yimaadeen xeebaha Muqdisho ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Golaha ammaanka ee UN-ku uu xalay isku raacay in Somalia loo diro ciidamo ka socda Qarmamada Midoobay markii xaaladu saamaxdo.

Ciidamada Faransiika ee ku sugan xeebaha Koonfureed ee Somalia ayaa waxa ay ka qayb qaataan ilaalinta gargaarga hay'adaha QM soo gaarsiiyaan dadka Somaliyed ee dagaalada saameeyeen.
 
Garowe Online, Muqdisho


http://www.garoweonline.com