Ciidan Kenya oo ka baxaya Somalia 14 Apr 14, 2012 - 6:30:54 AM
Dowlada Kenya ayaa markii ugu horeysay shaacisay tan iyo markii ay ciidamadeeda u soo dirtay Somalia [Oct, 2011] inay boqolaal askarteeda ka tirsan kala baxayso Gobolada Koonfurta Somalia.
Ciidamada ay Kenya la baxayso ayaa tiradooda lagu sheegay 850 askari, iyadoo sabab looga dhigay saarista ciidamada kadib markii ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika.
Kenya ayaa waxay 4,600 askari ku dartay howlgalka AMISOM, iyadoo tirada ay dib ula baxayso ku sheegtay kuwo dheeri ah, waxaana ciidamadeedu ay ka dagaalami doonaan Koonfurta Somalia, iyadoo ay wehlin doonaan ciidamo ka socda dalka Sierra Leone.
"Ciidamadeena 850 askari ah waxay ka bixi doonaan Somalia markii ay yimaadaan ciidamada Sierra Leone ka socda" ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxay wasaarada Difaaca Kenya.
Madaxweynaha Kenya ayaa todobaadkii hore u magacaabay Maj-Gen. SN Karanja inuu noqdo taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia taasoo u ah cadeyn in Kenya ay ka mid noqotay howlgalka.
Col. Cyrus Oguna oo ah madaxa howlwadeenada ciidamada Kenya ee gudaha dalka Somalia ku sugan oo hada saldhigiisu yahay Magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in laga dhigo Afhayeenka Milateriga AMISOM, wuxuuna u wareegi doonaa Muqdisho oo saldhig u ah AMISOM.
Sidoo kale, taliyaha sirdoonka ciidamada AMISOM ayaa loo magacabayaa sarkaal u dhashay dalka Kenya. Wuxuuna xogta siin doonaa ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalalka Burundi, Uganda, Jabuuti, Kenya iyo Sierra Leone.