Ciidamada Booliska Badda Puntland ''PMPF" ayaa gacanta ku soo dhigey Markab Kuuriyada Waqooyi laga leeyahay oo Shamiito ''Sibir'' qoyan ku daadinayey meel hal KM u jirta xeebta magaalada Bossaso.
Taliyaha Ciidanka Booliska Badda Puntland Col.Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegey in markabkani sidey Shamiito qoydey oo dhan 29 kun iyo 500 oo Tan ah.
Taliyuhu waxa uu sheegey in markabkan uu Dubai ka yimid oo Muqdisho u wadey Shamiitada balse ay ka diideen inay qaataan dadkii loo wadey sidaas darteedna uu Bossaso ay u soo qaadeen si ay ugu daadshaan.
Muddo shan maalmood ah ayay goobta taagnaayeen ,waxana ka dib markii laga war helay ciidamadu qaadeen hawlgal gacanta lagu soo dhigey 33 qof oo shaqaale kuwaasi oo saarnaa Markabka ,waxana in badan oo ka mid ah ku daadiyeen badda.
Halkan ka dhageyso Axmed Cawil oo wareysanaya Taliyaha Ciidanka Badda