Ciidamada Booliiska DF ayaa maanta ka sameeyay Muqdisho gadood, iyagoo xiray wadooyinka muhimka ah ee qaybaha ay ka taliso Dowlada, waxayna xayireen socodka gaadiidka iyo ganacsiga.
Wadooyin ay ka mid tahay Maka Al-Mukarama ayaa waxaa lagu arkayya ciidamo fara badan oo jidkaas hareerihiisa tuban, kuwaasoo diiday in noocyada gaadiidku ay halkaas maraan, iyagoo rasaas ku furayay gaadiidka iyo goobaha ganacsiga.
"Askarta sameeyay gadoodka waxay ka mid ahaayeen ciidamo bilooyin aan helin mushaaraadkooda, taas ayaana kaliftay inay maanta wadooyinka qaarkood xiraan" ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliiska oo diiday magaciisa.
Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamadan ay dhowr jeer oo hore gudbiyeen cabasho ku aadan mushaar la'aantooda, balse wax laga qaban waayay, waxayna goobaha ganacsiga ee ku yaala hareeraha wadooyinka ku qasbeen in la xiro.
"Muddo laba saac ku dhow waxaan maraynay wadooyinka raf ah oo xaafadaha dhexmaraya, waxaana la xiray in u dhexeysa Madaxtooyada iyo Isgoyska Banaadir, sidoo kale jidka garoonka diyaaradaha taga ayaa isagana la xiray" ayuu yiri mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha.
Ciidamada Dowlada Somalia oo aad u fara badan ayaan wax mushaaraad ah ka helin dowlada, waxaana madaxda DF ay ku sheegeen taas inay tahay dhaqaal la'aan haysata xukuumada, balse ay xooga saari doonaan inay mushaar u helaan.
Gadoodka ciidamadan ayaa imaanaya iyadoo Muqdisho ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya DF iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab oo dhinaca kasoo jeeda, waxaana tani ay dhabar jab ku tahay maamulka uu hogaanka u hayo Shariif.
Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa mar qura faarujiyay wadooyinkii ay xireen, iyadoo aan la ogeyn cid la hadashay ciidamada, balse Madaxweyne Sh. Shariif ayaan ka hadlin gadoodka ciidamada.
GAROWE ONLINE