Ciidanka DF oo qabtey Jowhar 9 Dec 9, 2012 - 2:08:35 AM
GAROWE ONLINE
Wararka ka imanaya Degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in magaalada gebi ahaanba ciidamada DF Somalia ay gacanta ku dhigeen iyaga oo garabsanaya kuwa AMISOM.
Maxamad Cali Shiikh oo ka mid ah Taliyayaasha hogaaminaya ciidanka qabtey Jowhar oo la hadlay Radio Garowe gacanta ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan magalada Jowhar ayna horay ka bilaabeen sidii loo saari lahaa miinooyin ay ku aaseen wadooyinka magalada kooxda Al-Shabaab.
Ururka Shabaab oo horay gacanta ugu haysay magaaladaasi ,ayaa si tartiib ah uga baxay Jowhar,waxana la sheegayaa qaarkood inay wali ku dhuumaalaysanayaan xaafadaha qaarkood.
Qabashada Ciidanka dowlada Soomalia iyo AMISOM ayaa u sahashay ,ka dib markii ay kasoo galleen magalada dhowr jiho oo kala duwan,waxaana sidoo kale ciidanka dowlada Soomaaliya garab lixaad-le siiyay shacabka Jowhar oo ka gadoodsan filicada Al-shabab.
Wixii warar ku soo kordha qabashada Jowhar kala soco Garowe Online.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Fantastic la yeeshey Taliyaha ciidanka