|
|
|
|
| Last Updated: Nov 3, 2008 - 11:09:50 PM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
DF oo heshiis shidaal gashay xili khilaaf jiro
18 Aug 18, 2008 - 8:50:07 PM
|
Wasiirka Batroolka Somalia ayaa waxa uu heshiis la galey shirkado ay kala leeyihiin Kuwait Energy Company (KEC) iyo TBK Indonesia Medco Energi International kaasoo la sheegey in lagu dhisi doono hay'ad maamuli doonta dhamaan shidaalka Somalia.
Heshiiskaan ayaa waxaa ku qoran in
hay'adda shidaalka ee
dowlada
Somalia [Somalia Petroleum Corporation] saamigeedu noqon doono 51% halka Kuwait iyo Medco ay yeelanayaan midkiiba 24.5% sida ku cad maqaalka uu daabacey wargeyska Al Wataan
Wasiirka Batroola Eng. Mohamoud Ali Salah Kanje oo ka hadlayey munaasabadii lagu saxiixay heshiiskan ayaa saxafada u sheegey in uu yahay mid taariikhi ah islamarkana fursad u siinaya Somalia in ay soo saarto khayraadkeeda dhulka hoostiisa ku jira kana heli doonto dakhli.
Wasiirka ayaa sheegey, waa sida uu hadlka u dhigaye, in soo-saarida khayradka dhulka hoostiisa ku jira shacabka Somalida kaga bixi doonaan dhaqaale xumida iyo dagaalada aafeeyey wadankoda.
Heshiiskan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Somalia C/lahi Yusuf uu ansaxiyey sharciga shidaalka Somalia 7dii August, inkaastoo aan weli la horgeyn Barlamanka.
Madaxa Kuwait Energy, Sara Akbar, oo sidoo kale ka hadashay munaasabadaan ayaa sheegtey in ay aad ugu faraxsan tahay heshiiskaan saamileyda ah oo dhexmarey DF iyo shirkadahaan taasoo xustey in uu yimid sadex sano oo wadahadal ah kadib iyada oo tilmaantey in uu qayb ka noqonayo dib-udhiska Somalia.
Dhismaha
hay'add maamusha shidaalka Somalia [Somalia Petroleum Corporation]
ayaan waxaan la garaneyn doorka wasaaradda Batroolka Somalia ay ku yeelan
doonto maamulida khayraadka Somalia madaama saamiley ay ka noqdeen shirkado shisheeye.
Dhinaca kale saxiixa heshiiskan ayaa yimid xili khilaaf xoogan ka dhex jiro xubnaha sare ee dowlada Federalka ah [Madaxweyne Cabdulahi Yusuf & Nuur Cadde] kuwasoo Ra'isal wasaraha Ethiopia ku dhexdhexaadinayo iminka Addis-Ababa.
Warar hoose oo warsidaha Garowe Online soo gaaray ayaa sheegaya in booqashada Wasiirka Batroolka oo ay weheliyaan Agasimahiisa iyo xubno ka socda xafiiska Madaxweynaha Somalia Ra'isal wasaare Nuur Cadde qoraal ka qorey islamarkana wadanka Kuwait u direy xubno matalaya xafiiskiisa kuwaasoo shirakadaahaan u sheegay in En.Kaanje uu xilkiisa wasiirnimo iska casiley islamarkaana uusan matali karin xukuumada Mr.Cadde.
Waxaa jira muran ka taagan xubnaha wasiirada ah ee iska-casiley xukuumada Nuur Cadde kuwaasoo warar qaarkood tibaaxayaan in qoraalada xilka ay kaga tagayaan aysan u gudbin xafiiska Ra'ils wasaaraha balse ka shaaciyeen saxaafada taasoo sababtey Nuur Cadde badalo kaliya wasiiradii soo gaarsiiyey qoraal cadeynaya xil-ka-tagistooda.
Madaxweynaha DF ah ayaa dhinaciisa qalinka ku duugey August 7,2008 tasoo warar sheegayan in waxyaalo yar-yar ah laga badley heshiiskii Cali Maxamad Geedi horey ula galey shirkadahaan.
Shirkadaha Kuwait
Energy iyo Medco ayaa heshiiskan horey ula galey Ra'isal wasarihii hore
Cali Maxamad Geedi kaasoo qayb ka ahaa khilaafkii siyaasadeed uu
xilkiisa ku waayo.
Geedi ayaa lagu eedeeyay in sharcigii shidaalka ee la horkeeney Barlamanka Somalia ay shirkadahaan gacantooda ku qoreen iyaga oo qayb ka ah heshiiska lagu dhisayo hay'adda maamuli doonta khayraadka Somalia.
Madaxweynaha Somalia ayaa safar uu dhowaan ku tagey MGPL ayuu ku shegeey in uu la wareegayo dhamaan go'aan ka gaarista arrimaha shidaalka Puntland iyo Somalia.
Heshiiska DF, Kuwait Energy iyo Medco ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeelan doona shirkadaha Range Resource & Africa Oil kuwaasoo Madaxweyne Cadde Muse heshiis la sheegey in khayraad looga baarayo Puntland la galey.
AKHRI: [ Muxuu yahay heshiiska dhexmarey Geedi & Kuwait Energy]
AKHRI: [ Nuqul heshiiskii Xukuumada Geedi la sixiixdey Kuwait Energy & Medco]
Garowe online,Garowe
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|