DF & AU oo ka wada hadlay amaanka 6 Dec 6, 2012 - 2:32:18 AM
Raysal Wasaaraha DF Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kulan xafiiskiisa Muqdisho kula qaatey Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Andrew Gutti kaasi oo ku saabsanaa amaanka iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.
Ka dib markii uu soo dhamaadey ayaa Raysal wasaare Saacid saxaafada u sheegey in ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa amaanka Muqdisho iyo adkeynta wada shaqeynta u dhaxeysa ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.
‘’Si wanaagsan ayay u socdaan hawlgalada ay wadaan ciidamada DF Somalia iyo AMISOM’’ ayuu yiri Saacid oo mahad u soo jeediyey dalalka Afrikaanka ah ee ciidamadooda u soo direy Somalia.
Midowga Afrika ayaa ciidamo ka socda waxay u soo direen Somalia oo joogey tan iyo 2007,waxana badi ay ka socdaan dalalka Uganda ,Burundi ,Kenya iyo Jabouti.