Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
AU: ''DF Waan la shaqeynaynaa''

AMISOM ayaa sheegtay inay la shaqeynayso Dowlada cusub ee Somalia, waxayna sidoo kale soo dhaweeyeen Golaha Wasiirada ee Tirada yar, isago sheegay inay taasi calaamad u tahay guusha ay gaartay Somalia.

Shir jaraa'id oo Afhayeenka AMISOM uu maanta 24 November,2012 ku qabtay xaruntooda Muqdisho ayuu ku sheegay inay kala shaqeynayaan DF sidii nabada dalka looso celin lahaa, isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada dowlada.

"Waxaanu soo dhaweynaynaa in Somalia ay ka baxday xiligii meel ku gaarka ahaa, waxaana AMISOM ahaan naga go'an inaan dowlada cusub ula shaqeyno si dhow inagoo eegayna danta shacabka Soomaaliyeed oo ah in nabad la helo" ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumud.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in Ciidamadooda iyo kuw DF ay ka shaqeyn doonaan sidii ay isugu furi lahaayeen Gobolada dalka, Sidoo kalena ay xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo uu ku sheegay koox aan doonayn nabad ka dhalata Somalia.

Col. Xumud ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in Mas'uuliyinta Howgalka AMISOM ay soo dhaweynayaan xukuumada cusub ee la ansixiyay, iyagoo Wasiirada 10 xubnood ka kooban ku sheegay inay qayb ka tahay Guusha ay Somalia gaartay.

Mar uu ka hadlay Amaanka Deegaanada ay AMISOM iyo DF kala wareegeen Al-shabaab ayuu ku sheegay inay yihiin kuwo wanaagsan, isagoo si gaar ah u xusay inay xooga saarayaan sidii Amaanka Muqdisho lagu xasilin lahaa.

"Waxaan ka codsanaynaa shacabka Soomaalida inay gacan nagu sii yaan sidii aan uga hortegi lahayn kuwa nabad diida. Waayo waxaa muuqanaysa in kuwaasi ay isku dhex-dhuumayaan shacabka, sida keliya ee lagu qaban karana waa inay shacabku la shaqeeyaan ciidamada" ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Ugu dambeyn Col. Xumud wuxuu sheegay in Ciidamadooda oo kaashanaya kuwa DF ay ka go'an tahay inay dalka oo dhan ka saaraan Ururka Al-shabaab oo uu sheegay inay yihiin kuwo aan ogolayn inay nabadgalyo ka dhacdo dalkan ku yaala Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE
RELATED:
RG oo laga furay Bossaso
Imtixaanka shahaadiga oo beri ka furmaya Puntland
Wasiirada IGAD oo ku shiray Addis


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Radio Garowe launches new FM station in Bossaso
BOSSASO, Somalia May 24, 2013 (Garowe Online)

Deadly battles in central Somalia between Al Shabaab and nomads

Violence in Somalia scares investors, aid workers

Somalia: Puntland court issues death sentences for Islamic Mufti’s killers

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us